Shanta arrimood uu Famaajo uga duwan yahay madaxweynayaasha kale

|

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si rasmi maanta xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay arrimo dhowr ah oo uu kaga duwan yahay madaxweynayaashii burburka kaddib dalkaasi soo maray.

Farmaajo oo muddo dhan 5 sanno, 3 bilood iyo maamlmo ka arriminayey dalka Soomaaliya wuxuu Faylashi ugu muhiimsanaa ee ay dowladdiisa ka shaqeyneysay ku wareejiyey madaxweynaha cusub.

Haddaba maxay yihiin arrimaha uu madaxweyne Farmaajo uu kaga duwanaa madaxweynayaashi hore?

Weligii shir jaraa’id ma qaban

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, muddada uu xilka hayey ma ahayn mas’uul sida madaxweynayaasha kale shir jaraa’id qabta si xaaladda dalka ka taagan shacabka ay ula socdaan.

Waxaana madaxweynaha iyo xukumaddiisaba dhaqan u ahayd mas’uuliyiinta la soo shaqeysay intooda badanna ay kaga deydeen iney iyaguna shir jaraa’id qabanin.

Wuxuuna Farmaajo uu shirka Jaraa’id uu ka door bidi jiray war muriteed iyo bayaanno qoraal ah oo uu xafiiskiisa soo saaro. Shirka jaraa’id waxa ainta badan qaban jiray xafiiska madaxweynaha u qaabilsan warfaafinta.

Muddada shanta sana ka badan uu Farmaajo xilka hayey marnaba ma dhicin inuu shir jaraa’id uu qabto oo ay warbaahintu su’aalo weydiiyaan. Arrintaasoo oo ka mid ah waxyaabaha madaxweynayaasha kale uu kaga duwan yahay.

Qurba jooggi wakhtiga ugu dheeraa dalka madax ka noqda.

Qurba jooggi wakhtiga ugu dheeraa dalka madax ka noqda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 1962-kii ku dhashay magaalada Muqdisho kuna soo barbaaray inta ay Soomaaliya burburin ayuu u wareegay dalka Mareykanka.

Isaga oo 1982-1985-kii ahaa xoghayaha koobaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Washington.

Noolasha caadiga ee Mareykanka markii ay u billaabatayna wuxuu ku biiray Jaamacadda Buffalo isaga oo ka qalinjabiyey 1993-kii wuxuuna qaatay dhalashada dalka Mareykanka. 1994-kii ilaa iyo 2010-dii shaqooyin kala duwan ayuu dalka Mareykanka ka soo qabtay.

Dbayaaqadi 2010-ki ayaa loo magacaabay Ra’isul wasaare, halka 2017-kina uu noqday madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya isaga oo baddalay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo Febraayo 2017-kii – May 2022-ka xilka madaxweynaha soo hayey muddo ka badan 5 sano ayaana noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey oo qurbajoog ah oo muddo intaa dhan madaxweyne ka soo noqdo dalka Soomaaliya.

Jinsiyadda Mareykanka uu celiyay

War saxafadeed madaxtooyada dowladda Soomaaliya bishii August 2019-kii waxaa lagu sheegay in jinsiyaddii labaad ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay dalka Mareykanka uu dib isaga celiyay.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in jinsiyaddii labaad ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay dalka Mareykanka uu dib isaga celiyay.

Afar qodob oo lagu xusuusan doono Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waxaa sidoo kale warqadda lagu xusay in howshan ay in muddo ku howlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Inkastoo uu dastuurka Somaaliya uu fasaxayo in qofka uu haysan karo labo jinsayadood ayaa haddana waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in uu madaxwayne Farmaajo uu isagu qaatay go’aan shaqsiyadeed.

Farmaajo go’aanka uu ku celiyey Jinsiyadda Mareykanka ayaa xilligaa ku beegneyd marka uu xilka madaxweynanimada hayey 16 bilood oo keli ah.

Arrimaha waaweyn oo uu ka aamusi jiray

Farnaamjo inta uu xilka hayey waxaa caada u ahayd arrin kasta oo dalka ka taagan ha ahaato mid dhaqaale, mid siyaasadeed amaba bulsho inuusan si toos ah uu uga hadlin amaba mararka qaar uu gabi ahaanba ka aamuso.

Tusaalooyinka arrimahaa loo soo qadan karo waxaa ka mid ah Khilaafkii isaga iyo Ra’isul wasaare Roble soo kala dhex galay oo inta badan doorashada salka ku hayey iyo Arrinta Ciidamada Eritrea tababarka looga qaaday oo sida weyn loo hadal hayey.

Madaxweynaha oo farriimaha kala duwanaashaha dhinaca aragtiyada iyo awaamiirta uu siinayao Ra’isul wasaaraha intaba waxay ahaayeen kuwo uuu soo mariyo qoraal ka soo baxa xafiiskiisa ama muuqaal kooban oo la soo tifaftiray.

Mararka qaarna waxaa dhaceysay in arrimo xasaasi ah oo taagan inuu ka aamuso oo siyaasiyiinta iyo muwaaddiniinta dalkaba ay ogaan waayaan mowqifka madaxweynaha uu ka aaminsan yahay.

Tusaalaha labaad ee la soo qaadan karo waxaa ka mid ah arrinta ciidamada Soomaalida ee Tababarka ugu maqan dalka Eritrea.

Dhinacyada ka soo horjeeday dowladda Farmaajo ama xubnaha mucaaradka waxay marar badan sheegeen ciidamadii Eritrea tababarka u loo geeyey iney ka qayb qaateen dagaalka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya ka socda walow ay dowladda beenisay.

Hase yeeshee Farmaajo sidi la rabay uma caddeyn eedda mucaaradka iyo walaaca waaliddiinta askartaasi ay ka muujiyeen arrinta sheegeysa ciidamada iney dagaalka Itoobiya iyo TPLF u dhaxeeya loo qaaday ayna ka qaby galeen.

Qaar ka mid ah waalidiinta ay ka maqan yihiin carruur ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay tababar ciidan dibadda ugu qaadday, ayaa sheegay inay wajahaan walwal aan dhammaad lahayn.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo walwalka waaliddiinta ay carruurta ka maqan yihiin wuxuu magacaabay guddi soo baara cabashada ay waalidiinta ka qabaan ubadkooda ka maqan, guddiga oo ka kooban shan xubnood walow guddigi sidi la rabay ay u howl gelin.

Hase yeeshee Farmaajo ayaa maanta marka uu xil wareejinta sameynayey markii ugu horreysay ka hadlay ciidammada dawladda ee tababarka ugu maqnaa labadii sanno ee la soo dhaafay dalka Eritrea.

“Ciidankaasi tababarkooda waxay dhemmeysteen bartamahii sanadkii la soo dhaafay iyada oo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababta oo xaaladdi siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay iney saameyso, mudana madaxweyne ciidankaas waa kuu diyaar, waxaa loo tababaray ciidanka qaybahooda kala duwan waxaanna rajeynayaa ciidankaasi iney dalkooda ku soo noqdaan si ay argagixisada Al-shabab dalkooda uga xoreeyaan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii ugu horreysay meel fagaara ah uga hadlay ciidammada tababarka ugu maqan Eritrea.

Muddadi ugu dheereyd Villa Somalia Fadhiyey

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii muddadii ugu dheereyd fadhiyey Villaa Somalia.

Farmaajo markii uu dhammeystay muddo xileedka afarta sano ee loo doortay wuxuu xilka sii hayey muddo ka badan 1 sana iyo 3 bilood.

Maxay ka tidhi Falastiin oo markii u horreysay ka hadashay guushii Xasan Shiikh?

Muddo kororsi laba sana ah oo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu sameeyey ayuu baarlamaanka ka laabtay kaddib markii si weyn looga horyimid shaqaaqa muddo kordhinta ka dhalatayna ay gacan ka hadal iisu beddeshay.

Hase yeeshe Farmaajo inuu 15 bilood mudda ka badan uu xilka sii hayo markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa kaddib waxaa u suurageliyey khilaafkii isjiijiidka hab raacyada doorashada ka dhashay.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha