Shariif Sheekh Axmed, Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Shariif Sheekh Axmed waxa uu Madaxweyne kasoo noqday dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya ay ugu tallaabsatay nidaamka federaalka, markii horena waxa uu hoggaanka u hayay Maxkamadihii Islaamiga ee isbaddalka wayn ka sameeyay dalka.

Markii lasoo gaaray doorashadii 2012-kii, waxa uu ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxweynaha, balse markii laga guulaystay waxa uu xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud oo uga adkaaday doorashada dadban.

Mar labaad ayuu isu soo sharraxay doorashadii la qabtay sanadkii 2017-kii, taasoo uu mar kale ku hungoobay. Haddana waxa uu markii saddexaad ku jiraa iskuday uu ku doonayo inuu ku laabto xafiiska Villa Soomaaliya.

Haddaba maxaan ka ognahay taariikhda nolosha iyo siyaasadda ee Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud?

Shariif Sheekh Axmed

25-kii bishii July ee sanadkii 1964-kii ayuu Shariif Sheekh Axmed ku dhashay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee Soomaaliya. Da’diisu waa 58 ilaa 57 sano.

Waxbarashada Islaamiga ah iyo Qur’aanka Kariimka ayuu ku qaatay deegaanka uu kasoo jeedo, sidoo kalena isagoo yar ayuu bartay luuqadda Carabiga.

Culuumta Islaamiga ah waxa uu ka billaabay Mac-hadka Sheekh Suufi oo xiriir la leh Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, sida ku xusan meelo badan oo taariikhdiisa lagu qoray.

1990-meeyadii waxa uu Jaamacado kusoo dhigtay waddamada Liibiya iyo Suudaan, halkaasoo uu shahaadooyin uga soo qaaday culuumta Sharciga iyo Shareecada Islaamka.

Sanadkii 2012-kii waxa uu waxbarashadiisa kasii watay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.

Ka hor inta uusan ku biirin siyaasadda, Shariif waxa uu ka mid ahaa culimada ka shaqeysa arrimaha diinta iyo wacyigelinta dadka, isagoo meelaha uu duruusta ka geli jiray ay ka mid ahaayeen Idaacadaha maxalliga ah.

Magaciisa ayaa si weyn usoo shaac baxay kaddib markii uu guddoomiye ka noqday ururkii la magac baxay Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya kula dagaallamay hoggaamiye kooxeedyadii hubaysnaa.

Dabayaaqadii 2006-dii ayuu burburay maamulkii Maxaakiimta kaddib markii ay dagaal la galeen dowladdii ku meel gaarka ahayd ee xilligaas jirtay, oo gacan ka heleysay ciidamada Itoobiya.

Markii laga adkaaday Midowgii Maxaakiimta, Shariif waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dalka ka baxay, isagoo sii maray Kenya ugu dambayntiina urur siyaasadeed ka abuuray magaalada Casmara ee waddanka Eritrea.

Waxyaabihii taariikhiga ahaa ee dhacay markii uu Shariif ka baxay Soomaaliya waxaa ka mid ah shir jaraa’id oo ay isaga iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si wadajir ah ugu qabteen magaalada Nairobi.

Shirkaas oo warfidyeenka la isugu yeeray waxay uga hadleen caqabadaha ay wajahaysay Soomaaliya iyo suurtagalnimada sida nabad iyo xasilooni loo gaari karo.

Bishii September ee sanadkii 2007-dii, ku dhawaad 500 oo ergo ah – oo ay ku jireen xubnihii maxaakiimta Islaamiga, xildhibaanno, ururrada bulshada rayidka iyo qurba joog – ayaa magaalada Asmara ku dhisay dastuur.

9-kii bishii June ee sanadkii 2008-dii, Xisbigii uu hoggaaminayay Shariif ayaa magaalada Jabuuti heshiis nabadeed kula saxiixday dowladdii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

31-kii bishii January ee sanadkii 2009-kii, doorasho ka dhacday magaalada Jabuuti ayaa Shariif Sheekh Axmed loogu doortay madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Xukuumaddiisa oo markii hore uu Ra’iisul Wasaare ka noqday Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” waxaa u taallay shaqo badan oo dhinaca sugidda amniga ah, maadaama xilligaas ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen inta badan magaalada degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xilkaas ayuu hayay ilaa 20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, markaas oo uu ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif waxaa muddadii dhowrka sano ahayd ee ay jirtay soo maray dhowr Ra’iisul Wasaare oo uu ka mid ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo xilkaas ku waayay khilaaf ka dhex jiray dowladda ayaa markii dambe kursiga madaxweynaha ka baddalay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka kala wareegay Shariif.

2017-kii, Markii labaad ayuu Shariif ku guul darraystay doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Soomaaliya, inkastoo uu ka mid ahaa murashaxiinta ugu cad cad.

Tan iyo markii uu Shariif ka degay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ugu saamaynta badan dalka.

Bishii December ee sanadkii 2018-kii, hal sano kaddib markii uu ku guul darraystay doorashadii madaxtinnimada, waxa uu aasaasay Xisbi la magac baxay Himilo Qaran, kaasoo uu qudhiisa guddoomiye ka noqday.

Bishii October ee sanadkii 2019-kii, waxa uu Shariif hoggaamiye u noqday urur siyaasadeed lagu magacaabo Madasha Xisbiyada Qaran.

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxa uu ka dhex muuqday hoggaamiyeyaasha sida weyn uga soo horjeeday siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa.

Markii uu soo dhawaaday xilliga doorashada Soomaaliya waxa uu guddoomiye ka noqday Golaha Midowga Murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada ayaa waqtigeedii ka dib dhacday in ka badan hal sano, balse labada Gole ee Baarlamaanka ayaa hadda laga dhowrayaa in ay madaxweyne doortaan 15-ka bishan May.

Shariif Sheekh Axmed ayaana ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad ee ka qayb galaya doorashada. Laakiin waxa uu loollan kala kulmayaa siyaasiyiin kale oo mug wayn leh, kursigana u hanqal taagaya. Xigasho BBC Somali

 

Related Articles

News In English

Fikradaha