Sheegow waxaa ku xiga weerar kale oo lagu qaadi doono Saraakiil kale

|

Muqdisho (ONKOD) Xog cusub ayaa ka soo baxaya sababta keentay in weerar lagu qaaday  Generaal Sheegow oo ciidanka  Dowladda ay ka soo qabteen degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xogaha ay sheegayaan waxa jira , saraakiil hore oo ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo hub iyo ciidamo fara badan  ku dhax sida magaalada  Muqdisho.

Ilaa iyo hadda xogaha ay sheegayaan , waxa jira , qorshe Dowladda Federaalka ah Soomaaliy ay  ku doonayso , in hubka loogu dhigo saraakiishaas hubka ku dhax sida maagalada Muqdisho.

Xubnaha  ilaa iyo hadda farta lagu fiiqay waxaa ka mid ah Generaal Saneey , Liibaan Madaxwayne , Indha Cadde kuwaas oo ku sugan caasimadda isla markaana hub aad u  fara badan ku dhax sita.

In kastoo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si rasmi ah wali u shaacin qorshe  ah in hubka laga dhigayo saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka hadana waxa si aad ah u soo shaac baxaya hadal haynta ku saabsan in  Dowladu ay bilaabi doonto.

Weerarkii lagu qaaday sarkaal hore oo ciidanka xoogga dalka , ayaa dhaliyay hadal hayn xoog badan oo la xiriira qorshaha Dowladda ay ku doonayso in weerar ay ku qaado saraakiil hore oo hub ku dhax sita caasimadda.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha