Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa xalay Magaalada Muqdisho, ku geeriyooday AUN Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi, oo ka mid ahaa mashaa’iqda sida weyn looga qadariyo guud ahaan Soomaaliya.
Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin Celi, oo ahaa Mufti Diimeed la qadariyo ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday xanuun kiliyaha ka haayay maadaama shaqadoodii ay gabeen, si joogto ahna looga dhaqi jiray.
Dr. Sheekh Shariif oo da’ diisa caga cageyneysay ku dhowaad 100 sano ayaa wuxuu ahaa wadaad u go’ay fidinta diinta Islaamka, waxaana Sheekha dhalay SHeekh Muxuddiin Celi oo dal iyo dibad si weyn looga yaqaanay.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale wuxuu ahaa xubin firfircoon oo dariiqada Ahlu Sunna Waljameeca ka mid ah.
Sannadkii Sagaashameeyadii ayaa lagu xasuustaa inuu soo noqday Guddoomiyihii Hirgelinta Shareecadda Islaamka, ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, xilligaasi oo dadka ay ku tiirsadeen maxkamaddii waagaasi jirtay ee Sheekh Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa.
Bahda Onkod Radio waxay ugu tacsiyadeyneysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Dr. Sheekh Shariif Sh. Muxuddiin Celi. AUN