Muqdisho (Onkod Radio) – Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Iiraan ay aad u fuliso xukunnada dilka ah. Toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii Luulyo oo keliya, 32 qof ayaa hore loo dilay, waxana ka mid ah saddex haween ah oo loo heysto inay dileen nimankoodii.
“Xukun xabsi kama jiro Iiraan. Ama waad cafineysaa ama xukun dil ah ayaad ku fulineysaa,” ayay tiri Roya Boroumand oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqda aadanaha Iiraan ee Abdorrahman Boroumand Center, oo saldhiggiisu yahay Mareykanka.
Iyadoo dalalka kale ay dad badan xukun dil ah ku fuliyaan si ka badan Iiraan, ma jirto meel kale oo haween badan dil lagu fuliyo marka la eego Iiraan, sida laga soo xigtay xogta sanadlaha ah ee hay’adda Amnesty International.
Sidaa darteed, maxay tahay sababta ay Iiraan haween badan dil ugu fuliso?
Marka laga soo tago saddexda haween ee la dilay toddobaadkii la soo dhaafay, lix kale oo dheeraad ah ayaa la dilay lixdii bil ee ugu horreysay sanadkan sida laga soo xigtay Abdorrahman Boroumand Center.
Waa run in tirada ugu badan ee dalkaas dilka lagu fuliyay ay yihiin rag, balse sagaalkan haween ayaa ka mid ah tirada sii kordheysa.
“Intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2022, waxaan diiwaan gelinnay dilka ugu yaraan 233 dumar ah,” Boroumand ayaa sidaas u sheegtay BBC.
“106 dumar ah ayaa inay dad dileen loo dilay halka 96 kalena lagu eedeeyay dembiyo la xiriira daroogo,” ayay intaas ku dartay.
Tiro yar oo ka mid ah ayaa la rumeysan yahay in loo dilay inay gogol-dhaaf sameeyeen.
Boroumand ayaa sheegtay in keliya 15% ka mid ah kiisaskan si rasmi ah loo shaaciyay – waxaan ognahay kiisaska kale ee maxaabiista siyaasadeed amaba saraakiisha dusiyay xogaha iyagoo aan dowladda oggolaansho ka helin.
Tirada badan ee xukunka dilka ah ayaa qeyb ka ah iyadoo aysan jirin waddooyin kale oo badan. Boroumand ayaa qabta: in hannaanka sharciga dalka marka la eego, uusan dalkaas baajin karin xukun dil ah – uuna go’aanka cafinta la yaallo qoyska dhibbanaha.
Caawinaad ma jirto
Gabadha u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Iiraan u dhalatay, Atena Daemi ayaa isku dayday inay caawiso mid ka mid ah haweenka toddobaadkii hore loo dilay inay dileen seygooda, waana haweeney 40 jir ahayd oo u dhalatay Afghanistan, laguna magacaabo Sanubar Jalali.
Daemi ayaa rajeyneysay inay la xaajooto qoyska seygii Jalali si ay u cafiyaan.
“Waxaan isku daynay inaan helno qoyska dhibbanaha si aan cafis uga dalbanno, balse maamulka xabsiga naguma aysan caawin. Waxay na siiyeen lambarka qareenka ay dowladdu u qabatay, balse wuu iska dhego-tiray codsigeenna,” Daemi ayaa sidaas u sheegtay BBC.
“Maamulka xabsiga mararka qaar way ka caawiyaan dadka in qoyska lagu qanciyo inay diyo qaataan ayna cafis fidiyaan, balse mar walba ma aha.”
Balse, Boroumand ayaa ka warqabta xoogaa guulo ah oo la gaaray – iyadoo la shaqeyneysay dad kale oo xuquuqda aadanaha u dooda, waxayna sheegtay inay labo qof ka badbaadiyeen dil iyo siddeed kale oo xubno ka tirsan jirkooda la goyn rabay.
Mid ka mid ah labada haween ee kale ee isla maalin lala dilay Jalali, mid iyadoo 15 jir ah ayaa nin loo guuriyay. Haweeneyda saddexaadna markii ugu horreysay ayaa loo soo xiray inay dishay ninkeeda shan sano ka hor.
Difaaca oo hooseeya
Daemi ayaa toddobo sano xabsi ku qaadatay sababo la xiriira shaqadeeda u doodidda xuquuqda dadka. Waxay sheegtay in xabsiyada haweenku aysan adeeg ku filan ka jirin maxaabiistana mararka qaar la garaaco.
Hannaanka shaqada ee maxkamadaha ayay sidoo kale sheegtay inay caqabad ku yihiin haweenka, iyadoo keliya rag ay noqon karaan qareenno iyo in sidoo kale inta badan qareennadu ay rag yihiin.
Maxkamadaha Iiraan ayaa ku qasban inay la yimaadaan qareen difaaca, balse Daemi ayaa sheegtay in aysan dadka siin caawinaad badan maaddaama “inta badan qareennadan ay yihiin garsooreyaal hore amaba dacwad-oogayaal hore”.
“Inaad xaqiijiso in aadan dembi lahayn ma aha wax ku fudud kiisaska dilka. Kiisaskan oo kale, erayada qoyska dhibbanayaasha ayaa ka awood badan kuwa eedeysaneyaasha,” ayay tiri Daemi.
Hannaan dhanka ragga u janjeera
Weriyaha Asieh Amini oo Iiraan u dhalatay, haatanna ku nool Norway, ayaa si dhow ula socotay kiisas haween dil lagu xukumay. Waxay sheegtay in waxa sababay dhibaatada uu yahay hannaanka sharciga ah qudhiisa.
“Marka la eego sharciga, aabbaha iyo awoowaha aabbe ayaa madax ka ah qoyska, waxayna go’aan ka gaari karaan gabdhaha, sida guurka,” Amini ayaa sidaas u sheegtay BBC.
Tani waxay la micno tahay in gabdhaha lagu qasbo inay guursadaan ay la kulmi karaan dhibaatooyin badan, ayna ku jiraan tacaddiyo, qaarkoodna ay adag tahay inay furriin ka helaan maxkamadaha Iiraan, ayay intaas ku dartay.
Haweenka lagu xukumo dilka intooda badan ma helaan caawinaadda waaliddiintooda, kuwaas oo laga yaabo inay ilaalinayaan wax ay ugu yeeraan ‘sharafta qoyska.
“Xaaladdan, haweenka qaarkood ayaa weligood dhibbane u noqda,” ayay tiri Amini.
Qaar kale ayaa go’aansada inay dilaan nimankooda.
Dilalka da’yarta
Amini ayaa sheegtay in magaalooyinku ay tusaale u yihiin sida haweenka qaar loola dhaqmo maxkamadaha, uuna ka mid yahay kiiska gabar 16 jir ahayd, oo lagu magacaabo Atefeh Sahaleh, oo ay niman kufsadeen.
Intii ay caddaalad u raadin lahaayeen gabadha yar, garsooreyaashu waxay sanadkii 2004 xukmiyeen inay sameysay gogol-dhaaf.
“Waxaa lagu fuliyay xukun dil ah markii ay qiratay inay gogol-dhaaf la sameysay niman, iyadoo taas beddelkeed la kufsaday,” ayay tiri Amini.
Aalad cabsi-gelin
Amini ayaa sheegtay in takoorka ka dhex jira sharciga, ay maxkamadaha iyo dhaqamada, “door ka ciyaaraan in haweenkan meesha ugu dambeysa la gaarsiiyo, iyagoo ka dhigaya dembiileyaal amaba dhibbaneyaal,” balse ma hubto sababta loogu degdegayo xukunnada dilka ah.
“Dhabtii weligey ma fahmin sanadahan oo dhan oo aan kiisaskan daba socday xabsi ka xabsi, sida ay dowladda Iiraan uga faa’iideyso ciqaabtan arxan-darrada ah,” ayay tiri.
BBC SOMALI