Shiinaha oo tallaabo millateri qaaday iyo Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo u dhaqaaqay Taiwan

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Iiraan ay aad u fuliso xukunnada dilka ah. Toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii Luulyo oo keliya, 32 qof ayaa hore loo dilay, waxana ka mid ah saddex haween ah oo loo heysto inay dileen nimankoodii.

“Xukun xabsi kama jiro Iiraan. Ama waad cafineysaa ama xukun dil ah ayaad ku fulineysaa,” ayay tiri Roya Boroumand oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqda aadanaha Iiraan ee Abdorrahman Boroumand Center, oo saldhiggiisu yahay Mareykanka.

Iyadoo dalalka kale ay dad badan xukun dil ah ku fuliyaan si ka badan Iiraan, ma jirto meel kale oo haween badan dil lagu fuliyo marka la eego Iiraan, sida laga soo xigtay xogta sanadlaha ah ee hay’adda Amnesty International.

Sidaa darteed, maxay tahay sababta ay Iiraan haween badan dil ugu fuliso?

Related Articles

News In English

Fikradaha