Shir Lidi ku ah go’aanka Cali Jayte ee xanibaada Garoonka oo Jowhar ka dhacay

|

Beledwayne (ONKOD ) Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe maanta oo  Axad ah waxaa ka dhacay shir ujeedkiisu ahaa ka hadalka amniga deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Shirkan waxaa ka qayb galay , wasiirada Hirshabeelle , saraakiisha maamulkaas iyo kuwa howlgalka ATMIS ee  ku sugan magaalada Jowhar

Inta uu socday shirkan waxaa la isku waydaarsaday arrimo ay ka mid yihiin go’aanka Cali Jayte uu ku xanibay dhaqdhaaqa  Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledwayne.

Wasiirka amniga maamulka HirShabelle  Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ka qayb-galay shirka ayaa la waday xubnaha Golaha wasiirada iyo ATMIS sida muhiim ay u tahay in la xaqiijiyo amniga Garoomada Hirshabeelle uu uu ku jira kan Beledwayne.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kala hadlay adkeynta amniga garoomada, si looga hortago qalqal amni oo ka dhaca, madaama mararka qaar uu yimaado isku dhac.

Madaxda ka qayb galay ayaa si wayn u taageeray go’aanka Wasaradda amniga Hirshabellle ee ah  in la dardargeliyo wada shaqeynta iyo dhaqan-gelinta xoojinta nabadgalyada garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha