Shir u dhaxeeya hay’adaha gargaarka iyo Puntland oo ka qabsoomay Garoowe

|

Garoowe (KAAB) Ku-simaha Madaxweynaha, isla markaana ah Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo  kaas oo ka qabsoomay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha Dowladda Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah.

1. Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.

2. Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.

3. Xoojinta isku xidhka iyo habka wada shaqayneed ee daneeyayaasha. 4. Bilawga dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.

Related Articles

News In English

Fikradaha