Magaalada Muqdisho waxaa maanta la filaya in uu ka furmo shirka golaha wadatashiga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shirkan oo shir guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa, arrimaha amniga iyo doorashooyinka dalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada ay imaan doonaan maanta Muqdisho, si ay uga qeyb galan shirkan.
Geesta kale qodobada ugu muhiimsan ee shirkan lagu gorfeeyn doono waxaa kamid ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo doorashada golaha deegaanka oo la qorsheeynayo in bisha Juun ay ka dhacaan Muqdisho.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaan qeyb ka aheyn shirkan, balse waxaana markii ugu horeeysay ka qeyb gali doona maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan ay dowladda dhexe u aqoonsatay maamul goboleed.
Sikastaba, gabe-gabada shirkan ayaa la filaya in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo lagu shaacin doono waxyaabaha lau heshiiyay iyo jiheeynta doorashada dalka