Shirka Golaha Wasiirada KG oo lagu qabtay Degmo ay go’doomiyeen AS

|

Xudur (ONKOD) Markii ugu horrasay ayaa maanta shirka golaha wasiirrada ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu ka dhacay meel ka baxsan magaalada Baydhaba.

Shirkan oo uu guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeedka Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Inta badan  waxaa shirkan diirada lagu saaray arrimo ku saabsan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab iyo  deegaanada kale ee go’doonsan.

Amniga ayaa ayaa aad loo adkeeyay inta   uu shirkan ka socday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Degmada Xudur oo uu shirkan ka dhacay ayaa muddo ku dhaw 15 sano ah  mid  ay go’doomiyeen  kooxda Al- Shabaab taas oo keentay  in noloshu ay adkaato.

Related Articles

News In English

Fikradaha