Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka dhacay?

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Shirka Golaha wasiirada ee todobaadkiiba mar la qabto ayaa maanta dhacay Muqdisho, Shirkaas ayaa waxaa guddoominayay Ra’iisulwasaare Xamze.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ugu horreyn golaha uga war bixiyay golohiisa safarkii uu shalay ku gaaray degmada Aadan Yabaal.

Waxaa shirka intiisa badan looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo dalka.

Sidoo kale waxaa shirka warbixin looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga oo sharraxaad ka bixisay guulaha laga gaaray howlgallada.
Ra’iisulwasaare Xame aya yiri “Waxaan maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Warbixinta howlgallada dib u xoreynta dalka iyo guulaha laga soo hoyiyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaan ka dhagaystay wasaaradda difaaca,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare Xamza.

Dhanka kale waxaa maanta golaha wasiirada loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, si loo akhriyo, kadibna ay uga doodaan xubnaha Golaha.

Hindise sharciyeedyadaan ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa isagana war bixin ka siiyay Golaha Wasiirrada shirarkii uu kaga qaybgalay Niger, Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka dhaqaalaha Afrika.

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha