Shirka golaha wasiiradda oo lagu ansixiyay jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka

|

Muqdisho (ONKOD ) Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu  shir guddoominayey ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023.

Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ansixiyey magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa shirka golaha kadib la hadlay Warbaahinta, isagoo faahfaahiyay qodobbada ka soo baxay kulan khamiis laha ee golaha wasiiradda.

Qodobka 1-aad: Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

1- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaranka 27 Maajo 2023 .

3- Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso in ay si degdeg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.

3- Wixii wax-ka-beddel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa Golaha Wasiirada J.F.S. si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Qodobka 2-aad: Dhammeystirka Habraacyada

4- Dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso waa in ay dhammeystiraan dhammaan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta guud ee Qaranka.

5- Wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta go’aankaan waxaa lagula xisaabtami doonaa hirgelinta kaalinteeda ku aaddan hirgelinta Heshiiska.

Qodobka 3-aad: Dhaqangalka Go’aankan

6- Go’aankan oo dhaqan galaya maanta oo Khamiis ah ayaa Golaha Wasiiradu aansixiyeen, isla markaana uu saxiixay Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES)

 

Related Articles

News In English

Fikradaha