Shirka Muqdisho ka socda oo marxalad xasaasi ah galay & Qodobada Dooda

|

Muqdisho (ONKOD ) Maalintii labaad waxa magaalada Muqdisho ka soconaya , shir u dhaxeeya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore

Shirkan oo shalay ahaa bilow iyo wajiga kowaad ayaa maanta galaya maalintii labaad , oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo ah qodobka ugu wayn.

Maanta sida xogaha ay sheegayaan waxa loo gudbi doonaa in madaxda dood adag ay kaas oo la xiriira wax ka bedelka hannaanka doorasho iyo in dalka doorashadiisa ay ku tartamaan laba xisbi oo waawayn doorashaduna ay noqoto qof iyo cod.

Gabagabada shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ay madaxdu ku shaacinayaan go’aannada ay ka gaarayaan xaaladda dalka.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha