Shirka Qaran ee Ka Jawaabista degdegga ah ee Abaaaraha oo Muqdisho lagu qabtay

|

Muqdisho- Shir qaran oo lagu lafaguray ka jawaabista deg degga ah ee Abaaraha oo ay soo wada qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabishan arrimaha haweenka.

Shirkan waxaa xooga lugu saaray doorka haweenka ee hoggaaminta, qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha bani’aadannimo, iyadoo la hubinayo in baahiyaha haweenka, carruurta iyo dadka nugul lagu daro go’aamada gurmadka. Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale la ansixiyay qorshayaal degdeg ah iyo hab-raacyo hawlgal (SOPs) oo quseeya dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, iyadoo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) hoggaaminaysay.

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo bah-wadaagta caalamiga ah ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka shirkan loo rogi doono tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo saameynta abaaraha, laguna xoojinayo adkaysiga iyo badbaadada bulshooyinka Soomaaliyeed.

Xigasho: SONNA

Related Articles

News In English

Fikradaha