Shirkadda TikTok oo hawada ka saartay muuqaladii ugu badnaa oo jabiyay xeerarka Soomaaliya

|

Muqdisho (ONKOD ) Warsaxaafadeed ka soo baxday shirkadda TikTok ayaa lagu sheegay in shirkadda ay qabatay taxaneyaasha aqoon kororsiyada, iyada oo ku shaacisay in aqoonsan tahay Badqabka  uu muhiimadda koowaad  u yahay bulshada ku dhaqan Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka kooban saddex Bogg oo shirkadda TikTok ay la wadaagtay Warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya ka hawlgasha ayaa lagu yiri, “waxaa sharaf noo ah in aan dhaqan gelinay cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada, anaga oo siinayna bulshadeena hufnaan dheeri ah oo ku aadan xeerarkeena iyo sida aan u fulino.”

Sidoo kale bayaanka TikTok ayaa lagu sii yiri, “waxaa loo baahanyahay  in dadka dhan ka wada shaqeeyaan si loo difaaco amaankooda online-ka, marka waxa aan uga mahad celinaynaa qof kasta oo kamid ah isticmaaleyaashaTikTok iyo dhammaan khubarrada  ee doorka ka qaatay siina wada inay naga caawiyaan hormarinta xeerarkeena iyo ka hortaga khataraha imaan kara.”

TikTok ayaa barteeda ka saartay 85.68  milyan oo muuqaal u dhiganta 0.6%  dhammaan muuqaallada lasoogeliyey aaladda. Isla waqtigaas, TikTok ayaa hawada ka saartay in ka badan 280,000  muuqaal  oo jebiyay xeerarka adeegga ee Soomaaliya, halka 98.7% kamid ah muuqaallada xeerarka jebiyay la aqoonsaday lana tiray kahor intaan lasoo sheegin.

Tani ayaa timid kaddib wada shaqeyn dhaxmartay shirkadda TikTiko iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, kaas oo sahlay in hawada laga saaro muuqaalo ka dhan ah anshaxa Bulshada.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya Mustaf Yaasiin Sheekh oo ka hadlay wada shaqeynta Hay’adda iyo shirkadda TikTok ayaa yiri, “Laamaha sharciga ee qaranka iyo Hay’addaIsgaarsiinta Qaranka ( HIQ) ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara xaqiijinta in aaladaha sida TikTok ay amaan ku helaan dhammaan isticmaaleyaasha. Marki aan si wadajir ah u wada  shaqeyno waxaan abuuri karnaa, dadkana bari karnaa talaabooyinka badqabka ee ku habboon dhammaan da’aha kaladuwan, iyo in aan ka  difaacno isticmaaleyaasha khatarta islamarkana ilaalinayna waxyaabaha wacyi gelinta iyo hal abuurka leh.”

Shirkadda TikTok ayaa sheegtay in ku dhaqanto mas’uuliyada ka saaran hormarinta  adeeg badqab leh ee aaladeeda iyo  hubinta khibrad kalsooni leh isticmaaleyaasheeda oo dhan. Sidoo kale waxa ay sheegtay in TikTok ayaa balan qaadeysa in ay si heegan ah uga shaqeyso kor u qaadista khibrada aaladaha casriga ah ee bulshada.

Related Articles

News In English

Fikradaha