Shirkii dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo uu dib u dhac ku yimid.

|

Wararka ka imaanay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid shirkii dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed ee uu horey ugu dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Shirkan oo loo ballansanaa inuu qabsoomo 05 January 2023 oo ku began maalinta burrito ah ayay wararku sheegayaan in uu dib uga dhacay xilligii la qorsheeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in illaa iyo saddex beri oo dheeraad ah dib loo dhigay.

Musharrixiinta mucaaradka ah oo la yimid shuruudo ay ku xireen ka qeyb galka shirkaasi ayaa loo aaneynayaa baaqashada shirka.

Mucaaradka ayaa dalbaday in marka hore la sii daayo maxaabiista iyo dhaawacyada uu heysto Maamulka Koofur Galbeed iyo in ay ciidamada ka qaadaan guryaha mucaaradka ee ay dul deggan yihiin.

Lafta-gareen Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maalmahan Muqdisho joogay ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu laabto magaalada Baydhabo si uu ugu diyaar garoobo shirkan.

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha