Siciid Deni oo Muuse Biixi ku edeeyay dilka Abwaan Jaamac Kediye

|

Garoowe  (ONKOD ) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday abwaan Jaamac Kediye oo xalay ku dhintay madfac ku habsaday isaga oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dhanka kale, Siciid Deni ayaa sheegay in abwaan Jaamac Kediye uu ahaa tiirweyn oo umadda Soomaaliyeed ka baxay, waxa uuna sheegay in uu kamid ahaa aas aasayaashii Puntland kagana qeyb qaatay suugaantiisa dhinaca nabbad.

“Alle Ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Abwaan Jaamac Kediye oo ka mid ah dadka maanta ku geeriyooday duqeynta Somaliland ka wado Degmada Laascaanood, Abwaan Jaamac Kediye waa tiirweyn oo ka baxay ummada Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan suugaantiisa kaga qeyb qaatay nabadda , dowladnimada iyo horumarka” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Deni  ayaa shaaca kaqaaday in duqeyntii ugu dambeesay ee Somaliland ku dileen abwaan Jaamac Kediye iyo duqeymaha kale ee dadka badan ku laayeen aan la isaga hari doonin lagulana xisaabtami doono maamulka Muuse Biixi.

”Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeynytii, Dilka abwaan Jaamac Kediye ayaa dhalisay cambaareyn xooggan oo loo jeedinayo maamulka Somaliland, waxaana magaalada Laascaanood bilooyin colaad ka jirto noloshooda ku waayay dad badan oo shacab ah oon qeyb ka aheyn dagaalka socda.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha