SJS, oo taageero ka heleysa Canada, oo tababar badqabka iyo xorriyadda warbaahinta u qabatay suxufiyiinta Muqdisho

|

MUQDISHO, Soomaaliya 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Isniintii soo gabagabeeyay tababar socday saddex maalmood kaas oo qayb ka ah tababarro cusub oo taxane ah oo ku saabsan kobcinta xorriyadda warbaahinta iyo badqabka suxufiyiinta oo lagu qabtay Muqdisho intii u dhexeysay 14-kii ilaa 16-kii Ogoosto.

Iyadoo taageero ka heleysa Sanduuqa Kanada ee Hindisayaasha Gudaha (CFLI), tababarkan waxaa looga gol-leeyahay in lagu kobciyo badqabka suxufiyiinta xirfadlayaasha maxalliga ah iyo xoojinta xorriyadda hadalka iyadoo la tixraacayo isbeddellada hadda jira sida geeddi -socodka doorashooyinka Soomaaliya. SJS waxay qorsheyneysaa inay ku tababarto ku dhawaad ​​80 suxufi — oo kala bar dumar yihiin— afar gobol oo dalka ka mid ah.

Ka-qaybgalayaashii tababarkan socday muddada saddex maalmood ah, oo ay ku jiraan weriyayaal dhowaan la bartilmaameedsaday ama hanjabaad la kulmay, ayaa laga soo xulay xarumaha warbaahinta ee Muqdisho, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose.

Intii lagu jiray tababarka saddexda maalmood ahaa, mowduucyada ugu waaweyn ee lau bartay waxaa ka mid ahaa xaqa xorriyadda hadalka iyo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah; badqabka suxufiyiinta; habka taxadarka iyo nabdoonaanta weriyayaasha haweenka ah; wax ka qabashada dhacdooyinka naxdinta leh; amniga dhijitaalka ah iyo sidoo kale qiimeynta halista ka hor inta aan la qaban hawlo warbixineed. Khubaro ka socotay Digital Shelter, oo ah urur maxalli ah oo difaaca xuquuqda dijitaalka ah, iyo Maamulka Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya ayaa bixiyay casharro muhiim ah iyagoo la wadaagay ka-qaybgalayaasha khibraddooda.

Weriyaha Radio Baraawe Cismaan Aweys Baxar oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii ayaa ka sheekeeyay sida tababarka uu uga faa’ideystay wuxuuna sharraxay sida xirfadihii uu bartay muddadii tababarka ay u xoojineyso xirfadiisa marka uu ku laabto idaacaddiisa Baraawe.

“Waxaan saxafi ka ahay Radio Baraawe oo ah idaacad ay bulshadu leedahay. Waxaa la i xiray, aniga iyo idaacadeyda nala soo weeraray labo jeer ilaa Abriil 2020. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii soo xushay tababarkan, ”ayuu yiri Cismaan Baxar “Waxaan bartay waxyaalo badan oo muhiim u ah nabadgelyada iyo ka -hortagga. Ma aqaan qiimaynta halista taas oo muhiim u ah shaqadayda. Laakiin hadda waan ogahay oo waxaan u isticmaali doonaa shaqadayda.”

Wariyaha TV-ga CBA ee Galmudug Maqsuud Cabdullaahi Maxamed, oo sidoo kale ah isku-duwaha xorriyadda saxaafadda ee SJS ee Galmudug, ayaa xusay in tababarku uu bixiyay xog gaar ah oo muhiim u ah shaqadeeda iyo tan asxaabteeda.

“Waxaan nahay haween saxafiyiin ah waxaanna la kulannaa khatarro kala duwan sababtoo ah shaqadayada iyo dumar ahaan. Nasiib darro, qaar badan oo ka mid ah wariyaasha gabdhaha ma helaan tababar noocaan oo kale ah. Tababarkan wuu na xoojiyay, wuxuuna naga dhigay kuwo si habboon u gudan kara shaqadooda. Waan ku faraxsanahay matalaadda sare ee la siiyay haweenka tababarkaan. Tani waxay ahayd mid aan horey loo arag,” ayuu raacisay Maqsuud “Waxaan rabaa inaan ku boorriyo haweenka ka qaybgalayaasha ah inay adeegsadaan nuxurka tababarka oo ay is taageeraan marka aad ku laabtaan goobahooda shaqada.”

Weriyaha Radio Kulmiye, Fardowso Maxamuud Sahal, oo la weeraray, telefoonkeedana ay booliisku ka qaateen bishii May xilli ay soo tebineysay mudaaharaad dadweyne oo ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegtay in tababarku uu siiyay tilmaam ku saabsan ilaalinta xogta dhijitaalka ah uuna muhiim u yahay ka weriye ahaan.

“Waxay ii ahayd tababar aad iyo aad muhiim u ah. Waxaan u hambalyeynayaa SJS iyo Sanduuqa Kanada ee Hindisaha Maxaliga ah dadaalkooda muuqda ee ay ku taageerayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaan ahay weriye jooga goobta. Bishii May, boliiska ayaa i soo weeraray oo iga qaaday taleefankayga. Ma aqoonin sida loo ilaaliyo xogtayda waqtigaas,” ayay raacisay Fardowso “Waxaan u mahadcelinayaa tababarayaasha. Hadda waxaan bartay xirfado cusub si aan u ilaaliyo xogtayda dhijitaalka ah.”

Xiritaankii tababarka, Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa sheegay in iyadoo xorriyadda suxufiyiinta iyo madax-bannaanida warbaahinta ay wajahayaan halis badan gudaha Soomaaliya, haddana tababarku wuxuu ujeedkiisu yahay in weriyayaasha la siiyo xirfado ku habboon.

“Tababarkan waa mid taariikhi ah. Ugu horreyn, waxay xoojinaysaa awoodda iyo badqabka suxufiyiinteenna waxayna ku soo beegmaysaa xilli suxufiyiin badani isu diyaarinayaan inay tebiyaan geeddi -socodka doorashada Soomaaliya. Midda labaad, tababarkani wuxuu fursad siinayaa haweenka suxufiyiinta ah oo ay ku yar yihiin fursadaha tababarrada,” ayuu raaciyay Cabdalle Mumin “Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaan u mahadcelinayaa taageerada deeqsinimada leh ee dowladda Canada ay u soo marisay Sanduuqa Kanada ee CFLI.”

“Tababarku wuxuu diirrada saaray badqabka muuqda iyo kan internetka ee suxufiyiinta iyo sidoo kale ku dhaqanka xuquuqda xorriyatul qowlka. Maanta, warfidiyeenkii la tababaray waxay awoodaan inay dib ugu laabtaan goobahoodii shaqo oo ay si ammaan ah uga hawlgalaan jawi aad u adag dhexdiisa.

Sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Guud ee SJS, Tababbarka ka dib, SJS waxay isku xir u sameyn doontaa warfidiyeenka la tababaray si ay khibradahooda ula wadaagaan suxufiyiinta kale ee ku sugan meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah. SJS ayaa sidoo kale bilaabi doonta sahan lagu baranayo casharradii laga bartay tababarkan si looga hirgaliyo gobollada kale ee dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha