SNTV iyo Radio Muqdisho : Warbaahin qaran mase warbaahin reereed ?

|

Muqdisho (ONKOD ) Warbaahinta qaranku waxay ka kooban-tahay: Muuqbaahiye (SNTV) Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Codbaahiye (Radio) Radio Mogadishu, mareeg (Website), sidoo kale waxa kaaliya Codbaahiye gaar u ah, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, lana yiraahdo: SNA RADIO (Somali National Army Radio). Warbaahinta qaranku waxay hoostagtaa wasaaradda WARFAAFINTA. Guud ahaan wasaaradda warfaafintuna way laalan tahay oo cidda maamulkeeda sida saxda ah u hoggaamisa lama yaqaan. Awooddii wasiirka waxa la wareegay wasiir ku xigeen, wasaaraddi iyo warbaahintiina waxa loo raray DHUUSAMAREEB iyo deegaannada ku xeeran.

Haddaba 24-saac ee la soo dhaafay 6-duqeyn oo ay khawaariijtu ku baaba’een ayaa ka dhacday Degmada Ruunnirgood iyo deegaannadeeda. Duqeymahaas oo mid ka mid ah ay hadda socoto. Haddaba maxay tahay sababta ay u baahin la’dahay warbaahintii ay dowladdu laheyd? Waa waydiin warcelin looga rabo maamulkeeda?

Haddaba duqeymuhu sida ay u dhaceen, goobaha ay ka dhaceen iyo gooraha ay kala dhaceen waa sidaan:-

1: Habeen hore abbaaro: 04:15 daqiiqo ah ayaa guri ay ku shirayeen amiirro iyo maleeshiyaad maafiyo ah kuna yaalla bartamaha degmada Ruunnirgood duqeyn culus loogu geystay, sida la soo weriyana gurigaas waxa ku dhintay waxa ku jiray laba amiir, maleeshiyaduna tiro ma leh. Warbaahinta qaranku marna ma aysan tebin. Sabab?

2: Shalay abbaaro: 12:00 duhurnimo ah meel degmada Ruunnirgood jihada koofuro ugu aaddan, isla markaana 7-kiilow mitir u jirta lana yiraahdo: “Gacal Ugaas” waxa lagu duqeeyay maaleeshiyaad iyo madaxdooda oo halkaas qaraxyo ku diyaarinayay isla markaana ujeedkoodu ahaa inay xalaydii aan soo dhaafnay ay mar kale weerari rabeen deegaanka NUURDUGLE. Dhagartoodiina Eebbe ayaa ku naqay.

Nin halkaas ka baxsaday isla markaana orod ku tegay tuulo la yiraahdo: “Ceel Abaaji” oo deexda afkeeda ku taallaa waxa uu yiri: 6-cabdi-bile oo dhashiikayaal ay saarnaayeen, 2-cabdi-bile oo booyada yaryar oo biyo ah ay saarnaayeen ayey diyaaraduhu gubeen, maleeshiyadii halkaas joogtana inta nooli way yartahay oo badidood way le’deen. Wuxuu yiri: 5-gentaal ayey nagu dhifatay, ka dibna risaas ayey nagu rusheysay, mana filayo in wax nooli ay halkaas joogaan.Warbaahinta qaranku marna ma aysan tebin. Sabab?

3: Xalay fiidkii abbaaro 19:30 ah gaari Cabdi-bile ah isla markaana ka baxay degmada Ruunnirgood, aadayna jihada koofur-galbeed, kuna socday waddada xariirisa: “Ceelbacad, Daarunimco iyo degmada Ruunnirgood” ayaa sidii uu u socday wuxuu ka leexday, meel la yiraahdo: Caaldadab, isla markaana wuxuu aaday jahada waqooyi, markii uu marayo meel la yiraahdo: “Leba Aw Xasan” ayuu istaagay, isla markaana halkii uu istaagay ayaa hal gentaal dhulka lagula mismaaray. Diyaaraddu waxay ka raacday Ruunnirgood ilaa uu halkaas ka istaagana way dul socotay. Warbaahinta qaranku marna ma aysan tebin. Sabab?

4: Xalay goor ay tahay saqdii dhexe, ayaa macaawisleyda deegaanka Daarunimco jooga, waxa lagu amray inay aadaan maafiyo lagu sheegay meel la yiraahdo: “Mowlaca” isla markaana ah bartamaha seddexda deegaan ee kala ah: Degmada Alkowsar, deegaanka Ceelbacad iyo Daarunimco. Halkaas markii ay macaawisleydu gaareen saacaddu markii ay aheyd: 02:00 ayaa xabbad lagu billaabay, markii ay kaagaceenna diyaaradaha dowladda Soomaaliyeed ayaa rusheeyay, taas oo la sheegay inaan ruuxna ka badbaadin, welina la kor joogo si loo hubiyo meydkooda. Warbaahinta qaranku marna ma tebin. Sabab?

5: Kuwii xalay la duqeeyay firxad ka baxsaday, isla markaana u tegay qolo kale oo meel Naawir la yiraahdo ku xoonsanaa ayaa saakay abbaaro: 11:00 laga korshiidiyay si fiicanna loo daangeystay. Qeybtaan NAAWIR weli qasaaraha gaaray maafiyada lama xaqiijin waxse looma reeban.Warbaahinta qaranku marna ma tebin. Sabab?

6: Isla goobtii shalay 12:00 duhurnimo lagu duqeeyay ee koofurta degmada Ruunnirgood aheyd meel aan ka fogeyn oo isla howdka ah, aanna ku soo tilmaamay lambarka labaad ee qoraalkaan: deegaanka GACAL UGAAS hadda ayey ka socotaa duqeyn kale oo tii shalay ka culus.

Labada duqeyn ee dambo waa suurtagal inaysan warbaahintu weli helin, balse, kuwa kale way heleen ee waa maxay sababta ay u baahin waayeen? Warbaahinta fartaa ku godan!

Haddaba lixdaas duqeyn oo ay khawaariijtu ku dhamaadeen, isla markaana ah guulo waaweyn oo dowladda iyo dadka deegaanku ay gaareen, warbaahinta dowladda mid ka mid ah xitaa qoraal ahaan looguma xusin, tebin toos ah iska ba daaye. Warbaahintii qaranku waxa ay mareysaa heer khudbadaha madaxweynaha marka ay soo daayaan aysan daawan laba kun oo qofood taas oo ah fashil aan indhaha laga keysan karin. Inkasta oo ay soo baxeen dhallinyaro aad u firfircoon oo baro iyaga u gaar ah leh, aadna u heersarreeya, haddana warbaahintii qaranka oo ahaan laheyn ishii wararka laga qaadan lahaa maanta waxay awooddeedii isugu geysay hal degmo iyo hal deegaan.

Qaranku, Bulacle, garabla’ iyo deegaannada Dhuusamareeb kaliya maahan ee warbaahinta qaranku is beddel degdeg ah ayey u baahan-tahay iyo weriyayaal ruugcaddaa ah oo xalladda iyo xeeladaha Khawaariijta deegaannada gobalka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaannada degmada Ruunnirgood gummaad aan caadi aheyn ayaa uga socda, balse, baahinti iyo buunbuuninti ayaa ka maqan ee warbaahinta qaranku waxay noqotay warbaahin reereed ee milgaheedii dib ha loo soo celiyo.

Hassan Abdulle Alasow

 

Related Articles

News In English

Fikradaha