Somaliland: Dad u dhintay caabuqa Covid-19 oo dib usoo laba kacleeyay

|

Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

“Bishan aynu hada ku jirno 140 ayaa xanuunka laga helay, bishii ka horeysay waxay ahayd Kaliyaata 27 qof, tii kasii horeysay 22, qof marka waxan dareemi karnaa in uu koru kac aad ihi jiro, dhimashaduna ilaa hada waxay maraysa 5 qof” sida waxa yidhi wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi.

Wasiirka ayaa sheegay in kor u kaca wajiga saddexaad ee caabuqa Covid-19 uu qiyaas ahaantii 5% kor u kac sameeyay maalmahan u danbeeyey , marka laga qiyaas qaato tirada guud ee dadka la baadhay iyo inta caabuqa laga helay.

“Maalmahan u danbeeyay xaaladaha xanuunka Covid-19 kor bay usoo kacayeen, shalay oo u danbaysay dadkii la baadhay oo ahaa 400 waxa laga helay 20 oo macnaheedu tahay 100 kii qof 5 qof ayaa qaba, arrintaasi waa arrin war war abuuraysa oo waajib ka dhigaysa in lala dagaalamo”  ayuu yidhi wasiirku.

Wajiga saddexaad ee caabuqa Covid-19 ayaa ka dilaacay gudaha Somaliland, inkasta oo aan la ogayn in uu yahay nooc cusub iyo in kale sida wasaarada caafimaadku sheegtay, wajiga saddexaad ee caabuqa ayaa aad u khatar badan sida lagu ogaaday waddamada uu ku dhuftay.

Related Articles

News In English

Mogadishu police arbitrary detain and threaten journalists covering insecurity in the capital

Mogadishu (Onkod Radio), 4 July, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the arbitrary detention, threats and...

Several people shot at Copenhagen shopping mall: Danish police

Denmark (Onkod Radio) –Danish police said several people had been hit by gunshots at a shopping mall in the capital Copenhagen. Police reinforcements have been deployed...

SJS and SOMA strongly condemn travesty trial and jail sentence on journalists in Somaliland

Mogadishu (Onkod Radio) – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the travesty of trial and the one year and four...

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...