SOMALILAND Jabhad hubaysan ayaa dhibaato ku haysa Muuse siduu uga hadlay

|

Hargaysa (ONKOD) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dhibaato ba’an deegaanada maamulkaas ay ku hayaan koox maleeshiyaad ah sida uu yiri.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegaya in ka  xukuumad ahaan xooga ay saari doonaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas ka jira buurta Gacan Libaax halkaas oo  kooxday ay isku aruusatay.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in jabhadaha ka abuurmay gudaha iyo xasaradaha kale ee aloosan ay yihiin kuwa uu soo abaabulay cadowga Somaliland.

Waxa uu sheegay Biixi in Shacabka Somaliland ay arrintaas feejignaan dheeraad ah kaga jiraan, kana hortagayaan waxkasta oo ka hor imanaya nabadda iyo dowladnimada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayuu sheegay Muuse Biixi in ay diyaar u yihiin wax ka qabashada dhibaatadaas ku soo noq noqotay deegaanada Somaliland oo uu yiri waxa abuuraya shaqsiyaad.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka.

Buurta Gacan Libaax ee Somaliland waxa ku jira koox hubaysan oo ka doodsan , hanaanka maamulka ee Muuse  Biixi Cabdi.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha