Somaliland oo 5 qof toogatay saakay kuwaas oo horey ku eedeysnaa dilal

|

Hargeysa (ONKOD) — Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa maanta shaacisay in saakay la toogtay 5 ruux oo ku eedeysan in ay horay dilal u geysteen isla markaana kiisaskooda uu soo maray maxkamadaha kala derajada duwan iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambeyn saxiixay.

Sida ka muuqata xaanshida waxa ay shanta ruux ay kala yihiin:

1-Ayaanle Axmed Ismaaciil ina Basra Cali oo 23 jir ah waxaa lagu eedeeyay in uu Magaalada Berbera ku dilay Marxuum Cabdi Mahad Aadan Maxamuud 16kii Nofeembar sanadkii 2021kii dilkaas ayaa ahaa mid bareer ah.

2-Cabdirashiid Maxamed Askar oo 32 jir ah ina Jamaad Rasaas waxa uu ku eedeysan yahay in uu Magaalada Hargeysa uu si bareer ah ugu dilay Marxuum Maxamed Cali Xirsi balse ugu dambeyn maanta loo qisaasay.

3-Liibaan Khadar Aadan ina Koos Cabdi oo 25 jir ah waxaa dhankiisa maanta loo toogtay in uu horay u dilay Cabdalla Axmed Xaaji Cabdi isna waxa uu dilkaan ka geystay Magaalada Hargeysa sida lagu caddeeyay xaanshida Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland.

4-Xamse Cali Ismaaciil Ina Faadumo Axmed oo 26 jir ah waxaa maanta loo qisaasay in uu horay Magaalada Burco ugu dilay Marxuum Muuse Jaamac Aadan, isaga oo maray maxkamadaha kala derajada duwan oo ugu dambeyn isku raacay in la toogto.

5-Xuseen Carab Muuse Ina Ceebla Maxamuud oo 60 jir ah, Waa qofka ugu da’da wayn Dadkii maanta lagu toogtay Degmada Abdaal gaar ahaan Mandheera, Burco ayuu nafta ku dhaafiyay Cali Aadan Geelle sida lagu sheegay qoraalka.

Kiiska shantaan ruux ee Saakay lagu toogtay Mandheera waxa ay mas’uuliyiin katirsan Somaliland ay ku tilmaameen mid soo afjaraya muranka ka dhashay dilal ay horay u geysteen Raggaan sida hadalka loo dhigay.

Halkaan Hoose ka aqriso Faah-faahinta Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland:

Related Articles

News In English

Fikradaha