Somaliland oo BBC-da ka mamnuucday deegaannadeeda

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday in gebi ahaan deegaannadeeda ay ka mamnuucday laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da, waxaana arrintaas faahfaahiyey wasiirka warfaafinta oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeya deegaanada Somaliland laga joojiyey inay ka howlgashao warbaahinta BBC-da.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Idaacaddan in ay ku xad-gudubtay Qaranimada Somaliland, diidayne inay ugu yeeraan dal mdax bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland, sida uu ku dooday wasiir Koore oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Hargeysa.

“Annagu iyadu aqoonsi kama rabno ee qaabka ay u shaqeyneyso ayey magacii Umadda reer Somaliland hoos u dhigtay sharaftoodii iyo karaamadoodii,” ayuu yiri wasiir Koore.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waxay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka ahaa ee ka dhexeeyey Ummadda reer Somaliland iyo BBC”.

Related Articles

News In English

Fikradaha