Somaliland oo xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Coldoon

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey Wariyaha la xukumay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.

Kadib waxaa go’aanka maxkamadda Maroodi-jeex Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Ehellada Wariyaha iyo qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka ka soo baxay maxkamadda ee lagu xukumay Cabdimaalik.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Related Articles

News In English

Mogadishu police arbitrary detain and threaten journalists covering insecurity in the capital

Mogadishu (Onkod Radio), 4 July, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the arbitrary detention, threats and...

Several people shot at Copenhagen shopping mall: Danish police

Denmark (Onkod Radio) –Danish police said several people had been hit by gunshots at a shopping mall in the capital Copenhagen. Police reinforcements have been deployed...

SJS and SOMA strongly condemn travesty trial and jail sentence on journalists in Somaliland

Mogadishu (Onkod Radio) – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the travesty of trial and the one year and four...

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...