Somaliland ‘’Shanqoole & koox uu hoggaaminayo ayaa galay deeganadeena ‘’

|

Hargaysa (ONKOD) Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Laascanood ee gobolka Sool gudaha ay u soo – galeen xubno ka tirsan kooxda Al- Shabaab kuwaas tira ahaan gaaraya lix boqol oo dagaalame.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in xubnahay Al- Shabaab uu hoggaaminayo  Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole), oo ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab.

Somaliland waxay sheegtay in Shanqoole uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in bilihii lasoo dhaafay  ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.

Somaliland ayaa sheegtay inay horey walaacyadeeda ugu gudbisay beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka, maadaama dhacdooyinkan, ayey tiri, ay halis gelinayaan nidaamka bulshada.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin adag oo ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, waxayna beesha caalamka ka codsatay caawimo.

Somaliland ayaa dabayaaqadii August looga adkaaday dagaalkii Laascaanood, ayada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-Cadde.

Related Articles

News In English

Fikradaha