Somaliland & SSC – Khaatumo oo markale dagaal ku dhaxmaray Laascanood

|

Laascanood (ONKOD) Ciidanka SSC – Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa markale lagu soo waramayaa in dagaal  ragool celis ah uu ku dhaxmaray duleedka magaalada Laascanood ee gobolka Sool

Sida wararku ay sheegayaan  dagaalkan ayaa daba socda dagaal goor sii horeysay oo shalay ah  deegaanka Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool ku dhaxmaray labada dhinac.

Dhawaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa jiidda waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen degaanka Buq-dharkayn oo ay ku sugnayeen ciidanka SSC- Khaatumo

Ciidamada SSC oo gacanta ku haya Amniga Buq-dharkayn iyo nawaaxigeeda ayaa jawaab ka bixiyay weerarka sidaas waxaa sheegay saraakiisha Khaatumo oo u waramay warbaahinta.

Dagaalkan ay Somaliland soo qaaday ayaa u muuqday mid lagu carqaladeenayo dadaalada nabada ee halkaasi ka socday.

Maamulka SSC ayaa ku eedeeyey dagaalkan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha