Somaliland & SSC Khaatumo oo qarka u saaran in fooda ay is- daraan

|

Laascanood (ONKOD) Wararka  aan ka –helayno  deegaano ka  mid ah Somaliland & Khaatumo ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in ciidanka labada dhinac qarka ay u saaran  yihiin in iska  hor imaad uu dhaxmaro.

Dad  ku sugan deegaanadaas ayaa sheegaya in ay jiraan dhaqdhaaq  ciidan oo ay samaynayaan labada dhinac waxaana ka horeeyay hanjabaadyo hawada ay isku marinayaan labada maamul.

Maamulka Somaliland ayaa muddooyinkii danbe diyaarinayay abaabul ciidan iyo qorista maleeshiyaad cusub waxaana saraakiishoodu sheegeen in ay dagaal rogaal celin ah ku qaadayaan dhulka SSC.

Ciidamada Somaliland ayaa si ba’an loogu jebiyay dagaalkii u danbeeyay ee labada dhinac dhexmaray 25 Agoosto ee sannadkan kaas oo gebi ahaanba lagaga saaray dhulka SSC-khaatumo.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha