Soomaali badan oo laga soo tarxiili doono Istanbul , sida Riyadh oo kale

|

Istanbul ( ONKOD ) Soomaalidii ugu badnayd ayaa wajahaya in dalka Turky- ga laga soo masaafuriyo kuwaas oo aan sharci u haysan joogitaanka dalkaas.

Dowladda Turky- ga ayaa bilowday in dalkeeda ka saarto dadka afrikaanka ah ee Soomaalida ay ku jiraan kuwaas oo sharciga uu ka dhacay ama kuwa sida sharci darrada ah u jooga dalkaas.

Waxaa lagu soo waramayaa in Soomaali badan oo bilaa sharci ah ay ku nool yihiin dalkaas kuwaas oo qaarkood uu damacooda uu yahay in halkaas ay ka tahriibaan.

Cabdulcasiis Cawil Maxamuud oo madax ka ah urur lagu magacaabo Iskaashiga Soomaalida Turkiga oo xaruntoodu tahay Magaalada Ankara ayaa sheegay in tallaabada dadka lagu musaafurinayo ay ka jirtay dalka Turkiga in muddo ah

Soomaalida ayaa talabadaas ku tilmaamay in ay la mid tahay tan Sacuudiga uu dalkaas kaga soo saarayo dadka Soomaaliyeed oo socotay mudo aad u dheer.

Madaxda tartameysay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga ayuu sheegay in qaarkood ay ku ololeeyeen in dalka laga saaro dadka ajaaniibta ah oo culeys dhaqaale iyo mid bulsho ku haya wadankaas.

Related Articles

News In English

Fikradaha