Soomaalida Islii oo ka walaacsan dibadbaxyada ay ku baaqeen mucaaradka Kenya

|

Nairobi (ONKOD) Ganacsatada Soomaalida ah ku ganacsada xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaridka dalkaasi ee Azimio ee uu hogaamiyo Raila Odinga.

Soomaalida ganasatada ayaa  ugu  baaqay , Dowladda in ciidamo fara badan ay geyso xaafada islii gaar ahaan suuqyada waawayn ee ay ku ganacsanayaan dadka Soomaaliyeed.

Mucaaradka oo iclaamiyay in Arbaco weliba dibadbax uu dhigayo ayay Ganacsatadu sheegtay in cabsi inteeda la eg iyo saameyn dhanka dhaqaalaha ah ay leedahay, sababta waa in welwelka uu yareynayo Ganacsiga xorta ah.

Waxa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan boob iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto nafta & hantida Dadka Ganacsatada ah sidaas awgeed Dowladda ay ka sugayaan in ay aqbasho dalabkooda la xiriira in ay ciidamo geyso Goobaha Ganacsiga.

Amaanka caasimadda Nairobi ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo Ciidamada booliskuna ay diideen in dibadbaxyo sharci darra ah lagu qabto caasimadda Naiorbi iyo magaalooyinka kale ee Kenya.

Hay’adaha amniga  Kenya ayaa sheegay  in ay diyaar u yihiin  kahortagga dibadbaxyada aan sharciga ku saleysneen ee Mucaaradku ku dhawaaqay, waxana meelaha qaar lagu arkayaa ciidamo u tababaran ka hortagga rabshadaha.

Mucaaradka  Kenya ayaa wali ka biyo diidsan , doorashada uu ku guulaystay Madaxwayne William Ruto taas oo keentay in dhawr mar magaalooyin ka mid ah dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo waawayn.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha