Soomaaliya iyo Seerbiya oo heshiis ku gaaray xarunta QM ee magaalada New York

|

Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggiisa Seerbiya Marko Đurić la saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga dhinaca diblumaasiyadda iyo aqoon-is-weydaarsiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa baahisay war sheegaya, in Seerbiya iyo Soomaaliya ay iska kaashanayaan dhinacyo badan gaar haan dhinaca kobcinta aqoonta diblumaasiyadda iyo daraasaadka oo si gaar ah looga taageerayo dowladda Soomaaliya.

Labada dal ayaa horay heshiis iskaashi uga gaaray qaybo ay ugu waaweyn yihiin Militariga iyo guud ahaan amniga.

ONKOD RADIO

Related Articles

News In English

Fikradaha