Soomaaliya & Kenya oo arrimo dhawr ah ka hadlay , maxaa ugu waynaa ?

|

Darusalam (ONKOD) Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo shir uga qayb galaya dalka Tanzania ayaa magaalada Daruslaam kula kulmay Madaxwaynaha Kenya William Rutu.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha.

Inta uu socday kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay horumarinta waxbarashada iyo awood siinta dhalinyarada, sida lagu shaaciyay bayaanka xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Kenya ayaa kamid ah waddamada dariska ee xiriirka la leh Soomaaliya, isla-markaana qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa dalkaasi.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay wali wado qorshe dalalka safka hore ah ay kaga qeyb qaadan doonoona wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha