Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeysay cunaqabateynta dhaqaale ee uu Mareykanka ka qaaday dalka Suuriya.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb muhiim ka ah ka qaadanayo dib u heshiinta iyo xaalada gobolka Bariga Dhexe.
Sidoo kale War-saxaafadeed ayaa loogu baaqay dalalka Carabta Suuriya iyo kuwa kale in looga baahan yahay wadajir iyo midnimo si loo gaaro horumar buuxa.
Ugu dambeyn qoraalka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya, ay ka shaqeyn doonto walaalnimada iyo ixtiraamka qaranimada dhammaan dalalka xubnaha Jaamacadda Carabta.