Soomaaliya oo laga cafiyay lacag dhan $684 Milyan

|

Saint-Petresburg (ONKOD ) Ruushka uu in ka badan 684 million oo doolar ka cafiyay Soomaaliya, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka, Biixi Iimaan Cige ayaa saxiixay heshiiska uu Ruushka in ka badan $684 million kaga cafiyay Soomaaliya sida laga soo xigtay telefishanka qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iman Cige oo soo saaray qoraal kooban oo faahfaahin iyo mahadcelin ah ayaa yiri “waxa aan ku faraxsanahay in aan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka aan la saxiixday heshiis ay Dowladda Ruushku Soomaaliya uga cafisay lacag $684 Milyan oo Doollar.

Waxa aan sidoo kale is af-garad ka gaarnay lacag dhan $7.5 Milyan oo ka mid ahayd deymihii ay nagu lahayd Dowladda Ruushka. Tallaabadan ayaa door wayn ka qaadan doonta dhammaystirka geedi socodka Deyn Cafinta dalka”

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Saint- Petersburg ee dalka Ruushka ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaax Axmed Jaamac yo masuuliyiin kale oo ka kala socotay dalalka Ruushka iyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo maanta oo Khamiista ka furmayo magaalada Saint Petersburg, shirweynaha Afrika iyo Ruushka, kaas oo ay Soomaaliya ku metelayaan wefti uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu sheegay in Ruushku ogolaaday in Soomaaliya uu ka cafiyo deyn dhan 600 oo Milyan oo doolar.

Dhanka kale, waxaa sanadihii dambe socday dedaal ay wadday dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii lacagaha deynta looga cafin lahaa dalka.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha