Soomaaliya oo laga qaaday cuna-qabtaytii hubka 31- sanno ka dib

|

NewYork (ONKOD ) Golaha  amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 31- sanno ka dib waxaa lag qaaday cunaqabayntii hubka ahayn  ee saarnayd , ka dib dadaal Dowladihii dalka soo maray ay sameeyeen.

In ka badan 20 dal ayaa u codeeyay in hubka loo ogolaado Soomaaliya oo  in muddo ah ay ka jirtay xaalad hubinti la’aan ah oo la xiriirta arrimaha amniga iyo qalalasaha dagaal ee dalka uu ku jiro.

Golaha Amniga waxuu cunaqabateynta saarey Soomaaliya sanadkii 1992-dii xiligaasoo looga gol-lahaa, sidii loo joojin lahaa qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayey dalka.

Go’aanka ah in dib looga fiirsado qaadista cunaqabateynta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay isbedelayaan dhaq-dhaqaaqa gobolka iyo siyaasadda Soomaaliya oo isbedeleysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd xasillooni iyo dowladnimo, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhawr ah .

1992, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn loogaga jawaabayay colaadda sokeeye ee dalka halakeysay, taasoo sabab u ahayd dadka tirada badan ee dhimanayay iyo burburka baahsan.

Hasayeeshee, cunaqabatayntaas dhowr jeer ayaa la cusboonaysiiyay oo wax laga beddelay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha