SOYAAL : Xusuusata dhacdadii dhiigga badan ku daatay ee 14-October-2017

|

ONKOD (Muqdisho) 2017- maanta  oo kale 14-October boqollaal qof ayaa  ku dhintay  qarax ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqidisho.

Qaraxaas ayaa  mahadhooyin ku reebay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed gaar aahaan kuwa ku nool Muqdisho waxaana jira dad ilaa iyo hadda la la’yahay nolol iyo geeri  loose badinayo in ay dhinteen.

Waxaa dib loo dayactiray dhismeyaashii ku burburay qaraxaas,  lix sanno ka hor ka dhacay caasimadda waxaana baaba’ay raadadkii muuqday ee uu reebay, balse saamayntii uu ka tagay ayay wali dad badan la nool yihiin,  lix sano ka dib.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu isgoyska Soobe aad u mashquul badnaa, waxaana ka jiray saxmad wayn oo dhanka gawaarida iyo dadka ah. Hareeraha Wadadana waxaa ku sugnaa  dad warato ahaa iyo kuwo socday intuba.

Gaari nooca xamuulka qaado ah ayaa galab Sabti ah, xilliga salaadda Casir, oo ku beegnayd 14 October 2017, ku qarxay isgoyska Soobe.

Muuqaal ay duubtay kaamirada amniga oo la baahiyay waxaa laga arkay waddada oo ay gawaari badan ku jiraan, saxmad aad u sareysana ay ka jirtay, iyo gaariga qarxay oo xawaare ku socday, ka dibna ku qarxay bartamaha wadada.

Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibada, iyo xitaa dadkii siyaasadda ku kala aragti duwanaa ayaa si isku mid ah uga wada damqaday dhacdadan, waxaana socda olole loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay masiibadan.

Ragga iyo dumarka magaalada, askarta nabad gelyada iyo xataa saraakiisha dawladda ayaa dhamaantood maro cas ku xidhan madaxa xiligaas  si ay u muujiyaan midnimo iyo u damqashada boqolaalkii qof ee lagu dilay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Ma jirto masiibo xadkan la’eg oo markaliya dadka intaas la’eg ay ku dhinteen inta la xusuusanyahay taariikhda dhow ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan waxa uu taariikhda ku galayaa in uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya, waxaana durba jira magacyo ay dadka u bixiyeen, sida “Qarixii dhul gariirka” iyo kuwa kale.

W.D Hanad Ali Guled

Related Articles

News In English

Fikradaha