SPARK oo taageeraysa kasoo kabashada COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Soomaalidu waxay wajahayeen sannado badan dhibaatooyin, waxyaabo deegaan ahaan dhib badan oo cimilada ka dhashay iyo cuduro dilaacay sanadihii u danbeeyay. COVID-19 ayaa sidoo kale xaaladda uga sii daray, ayada oo ku dhawaad 20 boqolkiiba bulshada Somalia ama Somaliland la filayo in ay waxyeelo kasoo gaadhay saamaynta tooska ah iyo tan dadban ee cudurka safmareenka ah. Sida ay cadeeyeen mas’uuliyiintu, Waxaa jirta shaqo la’aan baahsan oo kajirta gudaha Somalia/Somaliland ayada oo qiyaastii 49% dadweynaha da’doodu u dhexayso 15 iyo 64 sano ay yihiin kuwo bilaa camal ah.   

Mashruuca Tadamon waa mirihii ka dhashay wada shaqaynta u dhexaysa ISDB iyo SPARK,” waxaa sidaa yiri Mourad Hentati, oo ah Agaasimaha Mashaariicda Gobolka Waqooyiga Afrika u qaabilsan Hay’ada SPARK.  Waa mashruuc ku haboon oo wakhtiyaysan si wax looga qabto saamaynta taban ee safmarka covid-19 uu ku yeeshay waddanka. Sidoo kale waa fursad xoogan oo hay’ada SPARK ay howlaheeda dib uga bilaabayso Somalia/Somaliland ugana jawaabayso baahiyaha degdega ah ee sii koraya haystana dhalinyarada iyo haweenka si ay u helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale oo waara. Asaga oo kaashanaaya hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ba, sida Bina Incubator iyo Zamzam foundation, mashruuca TADAMON wuxuu ku talo jiraa in uu bixiyo adeegga ugu wanaagsan ee ugu macquulsan si dhalinyarta loo siiyo xirfadaha iyo awoodaha ay kaga soo kaban lahaayeen saamaynta covid-19 laakiin tan ugu muhiimsan ayaa ah sidii ay u xaqiijin lahaayeen riyadooda si ay u bilaabaan una kobciyaan dhaqaalahooda taas oo ay ku gaadhi karaan iyaga oo ku sugan deegaankooda”  

Ayaka oo ka jawaabaya baahiyaha hal abuureyaasha ganacsiga ee Soomaalida iyo dhalinyarta shaqo raadiska ah, Bangiga Hormarinta Islaamka iyo Sanduuqa Taageerda Hormarka ee Islaamka (Islamic Development Bank (IsDB) iyo Islamic Solidarity Fund for Development (ISFD) waxay ka kaashadeen SPARK oo ah hay’ad caalami ah in ay bilowdo barnaamij kaalmo ah oo la siinayo shirkadaha uu COVID-19 saameeyay. Tadamon’ barnaamijka waxay ka qaybqaadanaysaa dadaalka degdega ah iyo kan muddada dhexdhexaadka ah ee lagula dagaalamayo saamaynada taban ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha Somalia/Somaliland.  

Waxaa muhiimadda la siinayaa qaybaha caafimaadka iyo waxbarashada – 90 katirsan shaqaalaha caafimaadka ayaa heli doona koorsooyin tababar oo gaagaaban si ay u helaan xirfado ku saabsan xaaladaha degdega ah ee ku hareeraysan iyo COVID-19. 

Haweenka iyo kooxaha kale ee nugul waxay heli doonaan digriiyo tababaro waxbarasho oo heer sare ah ama hormarinta xirfadaha qaybaha khuseeya suuqa xoogsatada. SPARKA waxay rajaynaysaa in 500 oo dhalinyaro ah (50% ay dumar yihiin) ay heli doonaan shaqo waarta 90 hal abuureyaal ganacsato ahna ay bilaabi doonaan ganacsiyadooda kooban, yaryar iyo kuwa dhexeba (MSMEs) ama ganacsiyada haween ku gurigyahooda ku dhex ganacsadaan.  

barnaamijka oo hal sano soconaya waxaa la fulin doonaa ayada oo lala kaashanayo ururo aan faa’iido doon ahayn, qaybaha gaarka loo leeyahay iyo saamilay wadamo badan iskugu jirta si looga shaqeeyo Hadafka Qarama Midoobay ee Hormarka Waara (SDG) 8 kaasoo diiradda saara shaqooyinka wanaagsan iyo koritaanka dhaqaalaha.

Related Articles

News In English

Fikradaha