Su’aal ku gadaaman qabashada Deegaanka Camara oo laga saaray AS

|

Camaara  (ONKOD) Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in  si buuxda ula wareegay gacanta ku haynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ayaa dhowr jiho ka weeraray magaalada Camaara oo hadda aheyd xarunta ugu weyn ee kooxda Al Shabaab ka joogeen gobolka Mudug, kaddib markii maalin kahor laga saaray magaalada Bacaadweyn.

Camaara oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxay wararka sheegayaan inay iskaga baxeen-Al- Shabaabkii  ku sugnaa kadib markii ay ka warheleen howl-galka culus ee kusoo wajahan iyo baaxadda ciidanka isgarabsanaya.

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada kale ee la socda ayaa guulo ka gaaray dagaalka ay uga soo horjeedaan Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno muhiim ah oo Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Mudug.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr deegaan oo ay qabsadeen  dib uga baxay taas oo  keentay  in su’aal la iska waydiiyo in ciidanka markale ay baneeyeen deegaankaas oo muddo ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab

Related Articles

News In English

Fikradaha