Sudan ayaa qaadday xaalad deg deg ahayd ee lagu soo rogay tan iyo afgembigii sannadkii hore

|

Sudan Onkod Radio) — Hoggaamiyaha millatariga Sudan General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa qaaday xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay afgambigii 25-kii October ee sannadkii hore, sida uu sheegay golaha madaxbannaanida ee talada haya.

Burhaan “wuxuu soo saaray go’aan uu ku qaadayo xaaladda deg degga ah, ee dalka oo dhan”, golaha ayaa bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay.

Golaha ku meel gaadhka ah ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in go’aanka la qaatay si loo abuuro jawi sax ah “wadahadal miro dhal ah oo macno leh oo lagu gaaro xasillooni inta lagu jiro xilliga kala guurka”.

waxka baddelka xaaladda deg degga ah in la qaado, dadka u xiran sharciga deg degga ah la sii daayo.

Waxay sidoo kale timid kaddib baaqii ugu dambeeyay ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Volker Perthes, ee ku aaddan in meesha laga saaro xaaladda deg degga ah, kaddib markii la dilay laba mudaaharaadayaal intii ay socdeen muddaharaadyadii afgambiga lagaga soo horjeeday Sabtidii.

Dalka Suudaan ayaa tan iyo markii uu afgambiga ka dhacay waxaa ka dhacayay dibadbaxyo ballaaran, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad ​​100-qof, ayna ku dhaawacmeen boqollaal qof, sida ay sheegeen dhakhaatiirta u ololaysa dimuqraadiyadda.

Boqollaal dhaqdhaqaaqeyaal ah, ayaa sidoo kale lagu soo ururiyay xannibaadda iyada oo la raacayo shuruucda deg degga ah.

Cambaarayn caalami ah

Burhaan, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah kadib markii uu kala diray golihii wasiirrada ee kumeel gaarka, taasoo keentay mudaaharaadyo ka imaanayay dibadbaxayaal dimoqraadiyad doonka ah kuwaas oo gacan ka geystay xil ka qaadistii 2019-kii madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Axaddii, saraakiisha millitariga ayaa sidoo kale ku taliyay in loo oggolaado qeybta TV-ga tooska ah ee Shabakadda Aljazeera ee fadhigeedu yahay Qatar in ay dib uga howlgasho Sudan, kaddib markii ay mas’uuliyiintu mamnuuceen bishii Janaayo.

Sudan, waxa ay la daalaa dhacaysay qalalaasaha qotoda dheer tan iyo markii Burhaan uu hoggaaminayay afgambigii October 25, taas oo kor u qaadaysa isbaddel jilicsan kadib markii xilka laga tuuray Bashiir.

La wareegidda millatari waxay kicisay cambaarayn baahsan oo caalami ah iyo tillaabooyin ciqaabeed, oo ay ku jiraan gargaarkii muhiimka ahaa ee dawladaha reer galbeedka ay gooyeen illaa dib loo bilaabo u wareejinta xukunka rayidka.

Suudaan, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka, ayaa sidoo kale la halgamaaya hoos u dhaca dhaqaalaha sababtoo ah tobannaan sano oo go’doon caalami ah iyo maamul xumo xilligii Bashir.

Qaramada Midoobay, oo ay weheliso Midowga Afrika, iyo Urur Goboleedka IGAD, ayaa dadaal ugu jiray sidii Sudan loo fududayn lahaa wada-hadallo lagu xallinayo dhibaatada taagan.

Burhaan, ayaa ballan qaaday in lasii dayn doono maxaabiista siyaasadda si gogol xaar loogu sameeyo wadahadal dhexmara kooxaha Sudan.

Bishii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Suudaan waxay sii daayeen dhowr hoggaamiye oo rayid ah oo ka soo horjeeda afgambiga oo lagu xiray hawlgallada.

 

SOURCE: NEWS AGENCIES + Aljazeera English.

Related Articles

News In English

Fikradaha