Suuqa Bakaaraha oo xiran & ganacsato iska dhaafay Ganacsi

|

Muqdisho (ONKOD )  Maanta oo Isniin ah waxa gabi ahaanba xiran  goobaha  ganacsiga ee suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Arintan waxa ay ka danbaysay ka dib markii , la qarxiyay goobo badan oo ganacsi ah oo ku yeelay suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa sheegay in markan ay soo wajahday cabsi maadama aysan ogayn cid damaanad qaadi karta amnigooda oo marar badan loo hanjabay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay ganacsatada in CCTV ay  ku xiraan goobahooda ganacsiga taas oo keentay in Al- Shabaab ay beegsadaan xarumaha ay ku xiran yihiin.

Goobaha qaar waxa la xaqiijiyay in ganacsatadii lahaa ay albaabada u laaban oo ay iska joojiyeen ganacsigooda si ay ugu baaqsadaan in ay waxyeelo ay soo gaarto.

Hay’adaha amniga Dowladda ma aysan ka hadlay goobaha ganacsiga ee maanta xiran iyo waxa kaga qorshaysan cabsida soo wajahday ganacsatada Soomaaliyeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha