Suxufiyiin ka howlgala Muqdisho oo ka dhiidhiyay afduubka BULBUL

|

Muqdisho (ONKOD) Saxafiyiinta Muqdisho ka hawlgala ayaa maanta qabtay kulan ay ku dalbanayaan in xorriyaddiisa la siiyo Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate – SJS mudane Mohamed Ibrahim Bulbul.

Saxafiyiinta ayaa ku baaqay in la joojiyo cabburinta lagu hayo saxaafadda.

Bulbul ayaa maalinkii 18aad ku jira xarif sifo afduub ah.

War Wadajir ay u soo saareen Robert F. Kennedy Human Rights iyo Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa lagu yiri “Afduubka Maxamed Bulbul wuxuu u dhigmaa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Kuwa geystay waa in meel kasta lagula xisaabtamo.”

Waxay ku baaqeen in deg deg loogu siidaayo, lagana joojiyo tacaddiga weli lagu haayo Bulbul.

Bulbul waxaa lagula kacay tacaddiyo ay ka mid yihiin jirdil, handadaad, su’aalo qasab ah oo sharciga ka baxsan (oo uu iska diiday), cuntada oo loo diiday, booqashada ehelka, qoyska, saaxiibada iyo xitaa qareennada oo loo diiday.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay cambaareyneysaa falalka handadaada ah iyo isku dayga su’aalo weydiinta qasabka ah ee lagu hayo Maxamed Bulbul. Waxaana ku baaqeynaa in la joojiyo, lana siiyo xorriyaddiisa si deg deh ah. Waa in lala xisaabtamaa kuwii weeraray ee afduubay Bulbul.

Boolisku waa inay baaritaan ku sameeyaan, sharcigana horgeeyaan kuwa musuqmaasuqa lagu eedeeyay. Waa in la joojiyaa beegsiga lagu hayo suxufiyiinta soo baarta ama ka hadasha eedeymaha musuqmaasuqa baahsan ee halakeeyay dalka Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha