Taliska Booliiska Somaliland oo Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Banaanbixii Dhacay

|

Hargeysa (Onkod Radio) — Taliska Booliiska Somaliland ayaa faah faafin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Banaanbaxii maanta ka dhacay magaalooyin kale duwan oo ku yaalla Somaliland, kaas oo ay dhigayeen taageerayaasha xisbiyada mucaarad ah ee UCID iyo WADANI, waxaana looga soo horjeeday xukuumadda talada heysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo KULMIYE ka tirsan.

Taliyaha ciidanka Booliiska Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay madaxda xisbiyada in ay ka dhago adeygeen goobihii loo asteeyay in ay ku qabsadaan iskusoobaxyada, waxaana uu sheegay in ciidanka iyo shacka ay isku dhaceen kadib markii mudaharaadku faafay, isaga oo xusay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale ayaa ugu horeyn ka hadlay khasaaraha ciidanka soo gaaray, isagoo yiri ” Waxaa ay keentay dhibatadaas in ay dhaawacaan isugeyn ciidan Booliis ah oo 62-dana sedexdaa magaalo, ee, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, Hargeysa 22 askaribaa la dhaawacay oo dhaqtarka yaalla, Burcana 29, Ceerigaabana 11 askar, isugeyn waa 62″.

Taliyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhaawacyada dadka dhacabka ah soo intii uu socday “Hargeysa 21-tan shiciba, Burcana lix shiciba, Ceerigaabo cidna kuma dhaawacmin, nasiib darradu waxaa ay tahay aan rabaa inaan halkaan ka sheego in ay jirto dhimasho sedex shicib ah, laba Hargeysa ku dhintay iyo Ceerigaabo ku dhintay” ayuu yiri taliyaha Booliiska.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in galdacwadeed ay ka diyaariyeen dadkii ku lugta lahaa rabshadihii dhacay, isaga oo sii raaciyay in ciidanka ay xabsiga dhigeen 100 ruux kuwaas oo qeyb ka ahaa Banaanbaxyadii maanta ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, ciidankana heegan la galiyay sida uu hadalka u dhigay taliyaha ciidanka.

Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalooyinka Somaliland ayaa waxaa uu ahaa mid looga soo horjeeday madaxweynaha talada haya Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa, kadib markii sedexda sixbi siyaasadeed ee Somaliland Kulmiye, Wadani iyo Ucid, ay ku guuldareysteen in ay isla meel dhigaan xilliga doorashada madaxweynaha, taas oo keentay Banaanbaxyada.

Related Articles

News In English

Fikradaha