Taliyaha Asluubta ayaa isku soo sharraxay kursiga tirsigiisu yahay #HOP172

|

Muqdisho (Onkod Radio) Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, (Shub) ayaa maanta noqday musharrax u taagan Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya asagoona isku soo sharraxy magaalada Baydhabo, kursiga HOP#172.

Taliye Shub, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaatay shahaadada musharrax nimada kursiga #hop172 ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya SEIT, ayaa shahaadada musharraxnimada ay guddoonsiiyeen musharrax Mahad Cabdirahmaan Aadan, oo u sharraxan kursiga #HOP172,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliye Shub, oo ah, Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya, ayaa aad loo hadal haayay maalmihii ugu danbeeyay in loo wado Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida la xaqiijiyay Taliye Shub, ayaa si gaar ah, loogu xiray kursiga uu u tartamao, si uu ugu biiro Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ah Soddoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay hammigiisa Doorashada.

Related Articles

News In English

Fikradaha