Taliyaha cusub ee hay’adda NISA oo la magacaabay

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, ayaa Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, ayaa ansixiyay magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA).

Taliyaha cusub ee hay’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed, oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ka mid ah, xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa 5-tii sanno ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hay’adda NISA, ayaa muddo badan aheyd mid aan taliye laheyn kaddib markii xil ka qaadis lagu sameeyay taliihii hore ee hay’addaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaddib kiiskii Ikraan Tahliil Faarax.

Hay’adda ayaa muddooyinkii dambe waxaa hoggaanka hey’adda kusime ahaan u hayay Yaasiin Farey, oo hadda kamid noqday xildhibaanada 11-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah, xubnaha ku dhow Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.

Magacaabista Mahad Salaad, ayaa ka dhigan inuu weyn doono kursiga xildhibaannimo marka loo dhaariyo xilkan ee uu si rasmi ah ula wareego.

Hay’adda NISA, ayaa ka mid ah, hay’adaha dowladeed ee la rumeysan yahay inay u baahan yihiin isbaddel weyn oo lagu sameeyo, ayada oo shantii sanno ee lasoo dhaafay aheyd hay’ad loogu shaqeeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Fahad Yaasiin, oo dayacday sugiddii amniga.

Waxaa la rumeysan yahay in hay’adda ay sidoo kale ku dhex-jiraan xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, iyo kuwa weli si hoose ula shaqeeya kooxdaas, taasi oo ay adkaan doonto in la kala sooco.

Related Articles

News In English

Fikradaha