Taliye Odawaa oo faah faahin ka bixiyay howlgallada Danab

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 Xubnood oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka DANAB.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Degaankaan ayaa Al-Shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ka geysan jireen degaannada Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Related Articles

News In English

Fikradaha