Taliye Shub, iyo Fahad Yaasiin kulankoodii ugu horreeyaysheekadii dhex martay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ahaan jirey Taliyaha Ciidammada Asluubta ayaa ka hadlay dhacdooyin ku aaddan qorsheyaal lagu doonayo in xilka lagaga tuuro madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen. Waxaana uu sii raaciyey wadahadallo kala oo hore u dhex maray isaga iyo Taliyihii ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Taliye Mahad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey ay jireen shirar ka dhacayey Muqdisho oo siyaasiyiin deegaannadaa ka soo jeedaa ay ku doonayaan in qorshahan xil ka tuurideed ay ku abaabulaan Koonfur Galbeed.

Waxaana Taliye Mahad sheegay in uusan marnaba qorsheyaashaas ogolaan doonin.

Maxaa dhex maray isaga iyo Fahad Yaasiin?

Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in waagii u ahaa taliyaha qaybta Baydhaba, loogu yeedhay in uu yimaaddo magaalada Muqdisho iyada oo loo sheegay ‘in la haysto’ sida uu hadalka u dhigay.

ahaa taliyihii guud ee qaybta booliska, isaga oo u sheegay in uu is furfuro maadaama ay wax ka tirsanayso xukuumaddii jirtay – madaxtooyada Soomaaliya.

Taliye Mahad ayaa markii uu Muqdisho yimi waxa uu la kulmay nin ka socda Madaxtooyada oo ahayd halkii wax ka tirsanaysay waxaana uu ninkaa ku sheegay – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, taliyihii hore NISA.

Meeshii laygu ballamiyey ayaan tegay, wax yar haddaan joogayba Fahad oo macawis go’ shaala iyo bakoorad wata oo lugaynayaa ii yimid. Waxaana uu ii sheegay niyahow waxaan kuugu yeernay maamul goboladeeddii jiray ayaan rabnaa inaan burburinno, kan agtiinna ah baana noogu daran. Ninkii aannu soo dirnana adiga ayuu dacwo kaa keenay, oo wax lagaa wadi la’ yahay? Waxaad uga dan leedahay sheeg? ayuu sheegay Taliye Mahad.

Taliye Mahad ayaa sheegay in ay ahayd habeenkii u horreeyey ee juu la kulmay Fahad.

Waxaana uu u sheegay in intii aanu su’aalahaa ka jawaabin uu dib u weydiiyay in ay jiraan wax kale oo ay weydiinayaan, markii maya uu ugu halceliyeyna uu isna ugu jawaabay in nimankaa aanay wax kale kala dhaxayn ee keliya uu difaacayo hab maamulka uu samaystay Maamulkiis Koonfur Galbeed.

“Nimankaa aad soo dirteen waan arkay, intaan magacyadodii sheegay. Aniga wax kale ma difaacaayo, ee [system]-ka Koonfur Galbeed ayaan difaacaayaa. maamulka noo jiraan difaacayaa. Niman yahaw annaga dadkii waa ka harnay, hadday ciyaalkii iskoolaadka noo aadeen. Haddii xabbad dhacdana iskoolka ma aadaayaan. Ninkii raba ninkaan in uu galo oo weeraro, wakhtigiisa marka uu dhammaado ha eryaan, inta ka horrayso ninkii u yimaaddo waa la dagaalamaynaa” ayuu yidhi Taliye Mahad Cabdiraxmaan oo hadda xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya ah.

Waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey in sababtaa hore darteed uu haddana u difaaci doona maamulka Laftagareen.

BBC-da ma xaqiijin karta sheegashada Mahad. Waxaan iskudaynay inaan la xiriirna Fahad Yaasiin, balse inooma suuragelin.

Dib u milicsi: Sidee ayay u dhacday doorashadii Koonfur Galbeed?

Doorashada Koonfur Galbeeda waxaa aad ugu kala qeybsamay siyaasiyiinta iyo bulshada maamulkaasi. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay farogalin lagu sameeyay hannaankii doorashada.

Dad kale waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay waddada u xaadhaysay siyaasigan si uu xilka ugu hanto qaab sahlan.

Waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah in labadii siyaasi ee loollanka adag galin lahaa ay meesha ka baxeen.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa is casilay doorashadana isaga hadhay ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray.

Sidoo kale, maalmo yar ka hor xilliga doorashada loo ballansanaa, waxaa xabsiga loo taxaabay Mukhtaar Roobow, oo loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaana doorashadaas oo muran badan hadheeyey ku guulaystay Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), isaga oo wakhtigaas helay codad gaadhayo 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod.

BBC Somali

Related Articles

News In English

Fikradaha