Tirada dadkii ku nafwaayay Prigozhin oo lashaaciyay iyo Nin Mareekan oo kujiray

|

Ruushka (ONKOD) diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow tuullada Kuzhenkino ee gobalka Tver ee dalka Ruushka ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafwaayay  toban qof oo uu ku jiro madaxii kooxda calooshoos u shaqeystayaasha ee Wagner.

Sidoo kale, diyaarada oo bur burkeeda shaki badan hareeyay ayaa soo dhacday xilli ay hawada ku jirtay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in diyaarada ay soo rideen ciidamada difaaca cirka ee Ruushka.

Dhanka kale, hayádda duullimaadka rayidka ee dowladda Ruushka ayaa shaacisay in dhammaan ay dhinteen rakaabkii diyaarada saarnaa, waxa ayna hayádda soo bandhigtay magacyada tobanka qof ee shilkaasi ku geeriyooday.

Dadka ku dhgintay shilka diyaaradeed waxaa ku jira xubno aad ugu dhawaa madaxda kooxda Wagner, waxaana dadkaasi ku jira nin dowladda Mareykanka kusoo rogtay cunaqabateyn sababo la xariira ku lug lahaanshaha dagaalka Ukrane.

1- Madixii Shirkadda Milliteriga PMC Wagner Group (Private Military Company), Yevgeny Prigozhin.

2- Dimitry Utkin,

3- Sergey Propustin,

4- Yevgeny Makaryan,

5- Alexander Totmin,

6- Nikolay Matyuseyev iyo

7-Valery Chekalov

Duuliyaasha iyo shaqaalaha diyaarada ee iyana ku nafwaayay ayaa kala ah :

1- Alexey Levshin, Duuliyaha Koowaad,
2- Rustam Karimov, Kaaliyaha Duuliyaha iyo
3- Kristina Raapopova oo ahayd U-Khidmaynta dadka Rakaabka.

Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in ay socdaan baaritaanka sababta keentay bur burka diyaarada nuuceedu ahaa Embraer-153BJ (EBM-135BJ), waxaana shaki badan la galinayaa in shirqool lagu dilay madaxii Wagner iyo dadkii la socday.

Related Articles

News In English

Fikradaha