Tiro hoobiyaal ah oo lagu garaacay xarunta baarlamaanka Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya, ayaa sheegaya in goordhow hoobiyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura is-baddeshay, waxaana qal-qal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.

Sida inaloo xaqiijiyay waxaa jira khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

sdioo kale isbitaallada Muqdisho, ayaa loola cararay dhaawacyo u badan ciidan iyo dad shacab ah.

Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, xilli lagu jiro kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.

Related Articles

News In English

Fikradaha