Toogasho, ka dhacday goob Aroos lagu qabayay Afgooye

|

Afgooye (Onkod Radio) — Faahfaah dheeraad ah, ayaa ka soo baxeysa toogasho sababtay ugu yaraan 5 dhimasho ah, iyo inkabadan Siddeed dhaawac ah, oo xalay ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aroos ah oo ku taalla duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysanaa ay rasaas ku fureen dadweyne ku sugnaa guri uu aroos ka jiray oo ku yaalla tuulada Cadayleey oo hoostagta degaanka Buulalow.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan illaa shan qof, halka ay ku dhaawacmeen sagaal kale, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee degmada Afgooye.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsatay, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka bilaabay agagaarka degmada Afgooye, ayaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdaas iyo howlgallada socda.

Dhacdadaan ayaa la yaaab ku noqotay dadka deegaanka, ayada oo xafladdii arooskana ay isku bedeshay goob murugo ah, maadaama ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro ah iyo weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoggan Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii nin hubeysnaa uu sidaan oo kale rasaaseeyey dad ku sugnaa guri uu ka jiray aroos oo ku yaalla deegaanka Qoolaali oo hoostaga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Related Articles

News In English

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

USAID announces $1.5 M to respond to the impact of the drought on Somali children’s education

Mogadishu (Onkod Radio) — USAID has announced that it will provide $1.5 for the Somali children's education programs as the drought had forced thousands...

SJS and SOMA condemn Somaliland’s suspension on independent TV

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the suspension against the privately-owned independent CBA television...

Somalia: UN’s top humanitarian forum warns of ‘tipping point’ as famine risk rises

New York (Onkod Radio) — New York: The world is lurching from crisis to crisis, trapped in a cycle of firefighting and unable to...

With $700 million in assistance, U.S calls recognition for Somalia efforts to tackle deepening crisis

New York (Onkod Radio) — Following the United Nations Security Council meeting on Somalia on Wednesday, the United States said it was committed to...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...