Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu canshuuro badan iyo cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogi doono Ruushka, haddii Vladimir Putin uu ku guuldareysto inuu soo afjaro dagaalka Ukraine.
Isagoo wax ku qoraya bartiisa bulshada ee Truth Social, wuxuu sheegay in dadaalku uu ku bixinayo dagaalka in la dhameeyo “uu yahay ansaax uu sameynayo” Ruushka iyo madaxweynahoodaba.
Trump ayaa horay u sheegay in uu kala xaajoon doono Ruushka in uu dhameeyo duullaanka buuxa ee Ruushka ee Ukraine kaas oo billowday bishii Febraayo 2022 kii, hal maalin gudaheed.
Ruushka ayaan weli ka jawaabin hadalkaas, balse saraakiil sare ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegayay in ay jirto fursad yar oo Moscow ay kula macaamili karto maamulka cusub ee Mareykanka.
Putin ayaa marar badan sheegay in uu diyaar u yahay in wada xaajood lagu dhammeeyo dagaalka oo markii hore bilowday 2014-kii, balse Ukraine ay ku qasban tahay inay aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulalka Ruushka oo hadda ah qiyaastii 20% dhulka ay leedahay Ukraine. Waxa uu sidoo kale diiday in Ukraine ay ku biirto Nato.
Kyiv ma dooneyso in ay ka tanaasusho dhulkeeda, in kasta oo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu qirtay in laga yaabo in uu si ku meel gaar ah u wareejiyo qaar ka mid ah dhulka hadda la haysto.
Sikastaba, Trump ma uusan cayimin halka laga yaabo in ciqaab dhaqaale oo dheeraad ah lagala beegsan karo Ruushka, ama goorta intaba. Badeecadaha Ruushka uu ka soo dajiyo Mareykanka ayaa hoos u dhacay ilaa 2022 kii, waxaana jira dhammaan noocyada xayiraadaha culus oo horay u saarnaa dalka Ruushka.