Turkiga oo deeq taageero ah gaarsiin doono gobolka Sool

|

Muqdisho (ONKOD) Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Muqdisho ayaa booqasho kutagay Safaarada Turkiga kuleeyahay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Firdhiye iyo golahiisa fulinta ayaa wadajir ah laqaatay safiiirka safaarada Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli iyo qaar kamid ah howl wadeenada Safaarada.

Dhanka kale, boqashadan ayaa qeyb ka ah kulamo uu hoggaamiyaha SSC-Khaatumo laqaadanaayay dowladda Somalia iyo beesha Caalamka.

Safiirka dowladda Turkiga  Amb. Ibrahim M. Yagli ayaa hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabulqaadir Firdhiye ubalan qaaday in dowladda Turkiga ey mashaariic horumarineed kafulindoonto gobolka Sool sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo SSC-Khaatumo.

Related Articles

News In English

Fikradaha